Laasgeel: Dhagax-dhiga Taallo Loo sammeeyay mujaahidiin ku nafwaayay deegaanka Dhabi-hagoogga Dib-u-xorayntii Hawlgalada SNM 1988-kii

Wefti isugu jira Salaaddiin, Mujaahidiin, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin dawladda ka tirsan oo Dhagax-dhigay Xabaal-wadareed Halgamayaal lagu aasay

 

Dhabi-hagoog-(Berberanews)- Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Axmed-Waysacadde) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdiraxmaan Cawil Xasan oo ay weheliyaan Salaaddiin iyo Mujaahidiin ka tirsanaa Ururkii SNM, ayaa maanta oo ay ku beegnayd maalinta Shuhaadadii SNM ee 17-ka October awgeed, waxay booqdeen, isla markaana Dhagax-dhigeen Xabaal-wadareed lagu wada aasay Shan Mujaahid oo uu ka mid yahay Marxuum Cabdillaahi Cali Obsiiye (Cabdillaahi-Cuddo) oo ahaa Kornayl hoggaaminayey Ciidammadii SNM ee Jiiddaas 1988-kii, illaa halkaa uu ku shihiiday 3-dii July 1988-kii.

Weftigan oo barqadii Saaka ka ambabaxay Caasimadda Hargeysa, waxay kala ahaayeen ka sokow Xildhibaanka iyo Agaasimaha Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Sheekh, Suldaan Shariif Batuun, Muj: Cumar Aadan Kaahin oo isagu ka mid ahaa Saraakiishii Ciidammada watay ee gacantooda ku aasay Shantaas Mujaahid ee Xabaal-wadareedda la wadaajiyey oo kala ahaa Col. Cali Qodax, Muj: Maxamed Ciise (Indho-Cawle) iyo Xubno kale, kuwaasoo dhammaantood goobta Xabaal-wadareeddaas oo ku taalla deegaanka Dhabi-hagoogga oo ka tirsan degmada Laas-geel ee Gobolka Maroodi-jeex uga duceeyey Marxuunnada oo ay Illaahay uga baryeen inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, halgankoodiina ka dhigo mid aan weligii duugoobin.

Suldaan  Maxamed Suldaan Axmed Sheekh oo ugu horreyn Xabaashaa dusheeda hadal kooban ka jeediyey guud ahaanba Shuhaadadii SNM Illaahay uga beryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.“Maanta oo ay tahay taariikhdu 17-ka October sannadka 2011-ka, waa maalintii Xuska Shuhaadadii SNM, halkan aynu hadda joognaa waa Xabaal-wadareed lagu wada aasay shan mujaahid oo SNM ahaa oo uu ka mid yahay Mujaahid Cabdillaahi Cali Obsiiye (Cabdillaahi-Cuddo), waxaannu halkan u nimi inaannu Xuska Shuhaadada awgii soo booqanno Xabaal-wadareeddan oo aannu Mujaahidiinta ku jirta u ducayno, Astaanna ugu samayno, maaddaama oo ay yihiin kuwii naftooda u huray ee u shihiiday dalka iyo dadka Somaliland ee maanta aynu nabadgelyada ku naalloonayno. Waxaanan Illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Sheekh.

Sidoo kale, Suldaan Shariif Batuun, ayaa isaguna Duco halkaa uga akhriyey Shuhaadada oo uu sheegay inaanay Somaliland maanta jirteen haddii aan Naf iyo Maalba Mujaahidiintu u hurin. Waxaana Suldaan Shariif hadalladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi; “Dadkan aynu maanta Xabaalohooda dul joognaa waa Mujaahidiintii xaq u dirirka ahaa ee SNM ee Naftooda dalkan iyo dadkan u huray, waxay u dirirayeen inay cid dulmaan may ahayn ee waxay ahayd inay dalkooda iyo dadkooda ka badbaadiyaan Cadawgii ku soo duulay, Illaahayna Jannadii Fardawsa kuwa uu ku casuumay haka yeelo.”

Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Waysa-cadde), oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu yidhi; “Maanta oo ay tahay 17-ka October 2011 oo ku began maalinta xuska Shuhaadadii SNM awgeed, ayaannu maanta go’aansannay inaannu halkan oo ah Xawaal ay shan Mujaahid ku wada aasan yihiin ku qabanno xuska, Mujaahidiinta halkan lagu aasay, waxa ka mid ah Mujaahid Cabdillaahi Cali Obsiiye oo loo yaqaannay Cabdillaahi-Cuddo oo ahaa Mujaahid aad u soo halgamay aakhirkiina halkan ku Shihiiday, Marxuum Cuddo waxa uu ahaa Sarkaalkii Ciidammada SNM watay, waxaanan leeyahay dhammaantood Illaahay ha u naxariisto.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Waysa-cadde, waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Goob kasta oo Somaliland ka mid ah Dhiiggii Mujaahidiinta ee Xornimadeenna u dagaallamay ayaa daadsan, Mujaahidiinta ma kala lihin, ee waa in Qubuurohooda calaamado lagu garto iyo astaamo loogu sameeyo si kuwa innooga dambeeyaa Xabaalaha kale uga garan karaan, sida ka muuqata aataarta deegaannada iyo Xabaalihii innaga horreeyey.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdiraxmaan Cawil oo hadal kooban halkaa ka jeediyey, waxa uu yidhi; “Sidaa ay Xildhibaanka iyo Salaaddiintuba sheegeen, Dadka ku aasan Qubuurahan aynu dul-taagannahay waa Mujaahidiintii Dhiiggooda u huray dalkan Somaliland iyo sidii ay dadkooda u badbaadin lahaayeen, Illaahay waxaannu ka baryeynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo. Halgankoodiina waynagaa maanta midhihiisii ku naalloonayna ee aynu dawladda nahay ee aynu nabadgalyada ku marayno dhulkii waxaynu ogeyn ka dhacayeen, waana Illaahay mahaddii, iyagana Illaahay Jannada ha ku abaal-mariyo.”

Cumar Aadan Kaahin oo ahaa Sarkaalkii labaad ee Ciidanka hoggaaminayey maalintaas, ayaa ka warramay qaabkii dagaalkaasi u dhacay iyo intii SNM kaga dhimatay. Cumar oo maalintaas iyo wixii dhacay ka warramay waxa uu yidhi; “Halkan aynu joogno waxa ku aasan oo aannu ku aasnay shan mujaahid, mujaahidka koobaad waxa uu ahaa Sarkaalkii Ciidankan watay Cabdillaahi Cuddo, Axmed Waraabe oo mujaahidiintii halganka qaybta weyn ka qaatay ee Diyaaraddii Somali Airline la odhan jiray Afduubay ee Itoobiya fadhiisiyey ka mid ahaa ayaa ku aasan, waxa kale oo ku aasan saddex nin oo kale oo ka mid ahaa Saraakiishii soo galay Markii Burco iyo Hargeysa la soo galay kuwaasoo kala ahaa Saleebaan Al Nuur Cigaal oo sarkaal Millateri ahaa, waxa ka mid ahaa Carab Jaamac Beegsi oo Sarkaal Kamaandawsa oo Millateri ahaa waxa kale oo ka mid ahaa Cismaan Xuseen Cumar oo Xayd loo yaqaannay oo ahaa nin Wadaad Caalin ah, shantoodaa saddexna dhinac ayaannu Xabaasha kaga aasnay labana dhinac.”

“Markii Hargeysa la soo galay 1988-kii, ayaa Taliskii guud ee SNM qorsheeyey annaga oo dhawr iyo toban nin ah inaannu dadkii halkan abaabulno, oo Waqooyigan Hargeysa nimaadno, illaa dhawr iyo toddobaatan baannu noqonnay markii aannu dhalinyartii abaabulnay, qaxoonti halkan bari nagaga dhawaa oo macaal carruurtoodii iyo xaasaskoodiiba haysta oo kumannaan ah ayaannu dhawr jeer weerarnay, waxba ka qaadi waynay, markii dambe weerarro illaa saddex ah ayay nagu soo qaadeen, Qaxoontigaasi Adhi-caddeeye illaa dalka la xoreeyey wuu joogay oo waa la dhaqaajin kari waayey, dadkana dhibaato badan bay u geysteen, weerarkaas markii ay nagu soo qaadeen Ciidankayagu laba qaybood buu ahaa qayb Mujaahid Cabdillaahi-Cuddo ayaa watay qaybta kalena aniga ayaa watay dagaal kaas ayaanu ku shihiiday 3-dii July 1988-kii isaga iyo Saraakiishan la aasaniba.” Ayuu yidhi Mujaahid Cumar Aadan Kaahin.

Cumar Aadan mar uu ka hadlayey waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee uu dagaalkaa ku arkay, waxa uu yidhi; “Waxyaabihii iigu layaabka badnaa ee dagaalkaas aan ku arkay waxa ka mid ahaa Mujaahid la odhan jiray Cabdillaahi Xaaji Muuse Jaamac (Ma-gubte) oo ku soo dhaawacmay Cadaadlay oo aannu islahayn Dhakhtar u dira oo Geed-deeble geeya, ayaa isaga oo dhaawac ah dagaalkii galay, wuu dagaallamay, Maydka Shantan Mujaahid wuu nala aasay oo Xabaashii waxbuu nagala qoday isaga oo dhaawacan, waxaanu ku dhintay weerarkii weerarkaas xigay ee nalagu soo qaado ayey ku dhinteen isaga iyo dhawr iyo toban Mujaahid oo kale.”

Mujaahid Cumar Aadan Kaahin, waxa uu ka warramay sida ay ku timi 17-ka October oo uu xusay inay sameeyeen Ururka SOOYAAL ee Mujaahidiintii SNM oo ay wakhtigaa maamulkiisa ka mid ahaayeen isaga iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe. Hase ahaatee, waxa uu soo jeediyey inaanay qiime weyn ku fadhiyin maalin la xuso oo khudbado meelo kala duwan laga jeediyo, hase-yeeshee, loo baahan yahay in raad-reeb laga sameeyo taariikhdii Halgamayaashii SNM, isla markaana lagu daro Manhajyada waxbarashada Dugsiyada Jamhuuriyadda Somaliland si aanay taariikhdaasi u lumin, isla markaana waxa uu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay Cumar Aadan inuu daryeelo, kana warhayo Agoomaha ay ka tageen Mujaahidiintii dalkan u Shihiiday ee SNM.

“Maanta ayuu Madaxweyne Mujaahid ahaa talada hayaa, sidaa daraaddeed waxaan Madaxweyne Siilaanyo oo mujaahidiinta ka mida u soo jeedinayaa in la ururiyo Taariikhdii SNM oo aanay noqon wax qofba in haysto oo uu meel ka sheego, ee waa in la ururiyo oo la qoro oo la duubo oo Manaahijta waxbarashada lagu daro si aanay Jiilalka soo socdaa u illaabin, dhalinyarta halganka ka dib dhalatay su’aalo halgankii ku saabsan baan waydiiyaa, intooda badani waxbaba kama yaqaannaan, markaa waa in Jiilasha ka dambeeyey halgankii iyo kuwa soo socdaba raad muuqda oo ay taariikhda dalkooda kala socdaan looga tago, Annaguna Madaxweyne waannu kaala hawgalaynaa ee waa inaad arrintaa dhakhso wax uga qabataa.” Sidaa ayuu yidhi Mujaahid Cumar Aadan Kaahin.

Geba-gabadii waxa Xabaal-wadareeddaa Dhagax-dhigay Agaasimaha guud iyo Labada Suldaan, kuwaasoo sheegay inay halkaa ka dhisi doonaan dhawaan Dhisme ama Taallo Astaan u noqota, isla markaana lagu xasuusto Mujaahidiinta goobtaa lagu wada aasay.

 

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.