Maxkamadda Gobolka Saaxil oo Go’aan ka gaadhay dacwad ka dhan ah Badhasaabka iyo Maareeyaha, Gol-daloolooyinkii Xaakinka, Dedaafayntii Faadummo Siciid iyo Doodii Dhexmartay Qareennada

Berbera-(Berberanews)-Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa bilowday dhegaysiga dacwad ka dhan ah Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir oo ay ku soo oogtay Guddoomiyihii Gudidii hore ee Kulliyadda Culuumta Badda Berbera Marwo Faadummo Siciid.

Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan oo ah qareenka ay qabsatay Faadummo Siciid,  ayaa fadhi maxkamadda Gobolka Saaxil  ku dhegaysatay dacwadda ka dhan an masuulliyiinta ka hor akhriyay nuxurka gal-dacwadeedkaas oo ku sallaysnaa xad-gudubka awoodo ka baxsan Xeerka is-maamulka gobollada iyo degmooyinka oo lagu inqilaabay maamulkii kuliyadda Badda oo ay hormood ka tahay Faadummo Siciid iyo in sifo gaar ahaaneed loo adeegsaday hantidii kuliyadda dhextaalay, islamarkaana ay tahay talaabo xad-gudub ku ah xaqa muwaadiniinta.

Garyaqaan Maxamuud waxa uu maxkamadda ka codsaday in loo xayiro Xarunta dhismaha Kulliyadda ee Berbera oo uu sheegay in ganacsiyo gaar ahaaneed laga dhexfurtay hanta ummadda ka dhaxaysa, bililiqana lagula kacay hantidii dhextaalay, sidaa daraadeedna loo xayiro kulliyadda inta maxkamaddu go’aan ka soo saarayso, iyasoo Garyaqaanku ku dooday inuu cuskanayo qodobada Xeerka Madaniga.

Haseyeeshee Garyaqaanka Guud ee Dawladda Ibraahin Iidle Saleebaan, ayaa ku dooday in nuxurka dacwadda ay Faadummo Siciid ku soo oogtay masuulliyiintu la xidhiidho nidaam maamul, dacwadaha maamulna uu qodobka 10aad ee Xeerka madanigu dhigayo in maxkamadda sare oo keliyi ka garnaqi karto dacwadaha maamulka la xidhiidha, islamarkaana waxa uu dedaafeeyay in qodobka 8aad ee dacwooduhu ku salaysanyahay hanta qofku ku yeesho dawladad amma mid dawladdu qofka ku yeelan karto.

Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Saaxil Mr. Cismaan Ibraahin Fanax, ayaa labada dhinac ku wargeliyay inuu fadhigu xidhanyahay oo maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto muddo 20 daqiiqadood ka dib.

Markii laysugu soo noqday wareegii labaad ee dacwaddii lagu soo oogay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yusuf Dirir, ayuu Guddoomiyaha Maxkamadda Saaxil oo kiiska garsoore ka ahaa ku dhawaaqay go’aan uu ku sheegay in maxkamaddu diiday gal-dacwadeedka Faadummo Siciid inaanay awood u lahayn maxkamadda Gobolka Saaxil ee ay dacwadooda u wareejin karaan maxkamadda Sare.

G’aankaasi waxa uu u dhignaa sidan;

  • Maxkamadu waxay diiday arjiga dacwad furatada iyo baahinteeda waxaanay faraysaa in Maxkadamada awooda u leh arimaha maamulka ay ka furtaan dacwada.
  • Maxkamadu waxay ogolaatay arjiga jawaab celinta ee garyaqaanka guud Qaranka dacwaysanayasha Badhasaabka Saaxil iyo Maareeyaha Dekada
  • Waxaa laga hadlaayey arrin maamul, maamulkana dacwadoodu waa Idaari,  Maxkamada sare ayaa ku shaqo leh halkan maysoo qoran tilmaamaya qodobada 118 119 markaa sidaas ayaanu u diidnay Dacwadiina waanu oodnay hadii ay dacwad qabto Maxkamada sare ha qabato Maxkamada Gobolka Saaxilna sidaas ayey ku oodnay.

Go’aanka ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamadad Gobolka Saaxil waxa uu daboolka ka qaaday isweydiin badan oo ka taagan nidaamka garsooruhu u maray ogolaanshihii furitaanka dawcadda iyo go’aankii uu ku diiday markii uu dhammaystay dhegaysiga dacwadda.

Waa ta koowaade, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil waxa uu markii hore muddeeyay dacwadda loo soo gudbiyay, taasina waxay ka dhigantahay inuu aqbalay dhegaysiga iyo furashada dacwadda, haddii kale waxay ahayd inta aanu mudayn uu yidhaahdo soo waafajiya Xeerarka garsoorka amma u tilmaamo maxkamadda ka garnaqi karta, haseyeeshee kiiskii oo uu ka garnaqay ayuu hadana soo saaray inaanu ka garnaqi Karin, dhacdadana waxay daaha ka rogaysaaa inaanu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil waxba ka garanayn sharciga iyo inuu luminayo Inuu luminayo nidaamkii garsoorka dalka.

Sidoo kale, Faadummo Siciid oo maxkamadda horteeda shir jaraa’id ku qabatay, ayaa ganafka ku dhufatay xukunka maxkamadda Gobolka Saaxil oo ay ku tilmaamtay mid aan sharci ahayn oo u adeegta masuulliyiinta Gobolka Saaxil, waxaanay tidhi, “Maxkamada Badhasaabka iyo maareeyaha Dekada ayaa iska maamusha Magaalada Berbera , waanaan ogaa  in ay iyaga jeebka ugu jirto, laakiin waxaanu doonaynay in aanu aragno xukuumada iyo sharciga Somaliland in ay ka sarrayo cidkasta. laakin sidii aan idiin tusay waa la bililiqaysatay alaabtii  Jaamacada yaalay ninka qaatayna ee daabacaaddii Jamacadu dhinacyaalay  waa ninkii aanu islahayn dacwada ha idin qaado,  sidee ayey u dhici kartaa nin isagii alaabtii gurtay oo waraaqdii iminka nala siiyey ee xukunka waxaa lagu daabacay birintankii jamacada Berbera, markaa in aanay Berbera cadaaladi ka jirin waa cadan; in aanay cid halkan cadaalad ku helikartaajirin  waa cadaan.” Ayay tidhi Faadummo Siciid

Faadummo Siciid waxay sheegtay inay dacwad ka furan doonto maxkamadda sare, “Dacwadayada waxaanu u gudbinaynaa Maxkamada Sare iyada ayaanu eegaynaa bal in ay cadaalad samayso oo ay ka shaqayn karayso cadaalada.”

Berberanews.com

Berbera, Saaxil

Email, info@berberanews.com