Hargaysa (Berberanews)- Munaasibada balaadhan oo lagu xusayay sanad guuraddii 27-aad ee ka soo wareegtay Maalinta Shuhadada SNM oo ku beegan 17-ka October, ayaa maanta lagu qabtay Hoolka Ha’yadda shaqaalaha Dawlada ee Magaalada Hargeysa, waxaanay Munaasibadani ay salka ku haysaa dagaalkii qadhaadhaa ee ciidamadii Taliskii Siyaad Bare iyo xoogagii Ururkii Xaq u dirirka ahaa ee SNM ku dhex maray deegaanka Burco Duuray 17 bishii October Sanadkii 1984-kii.
Munaasibadan oo ay ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaano, Marwada Madaxweyne, Mujaahidiin iyo marti sharaf kale oo tirdo badan.
Mujaahid Cabdisalaan Turki oo ka mid ahaa guddida qaban qaabada xuska maalinta shuhadadii ku geeriyootay halgankii dib u xoraynta Wadanka oo Munaasibadaas ka hadlay ayaa waramay baahida loo qabo in la qoro taariikhdii halgankii SNM si bulshada iyo jiilka koraya looga tago taariikh halgameedkii qadhaadhaa ee loo soo maray dib u xoraynta.
Afhayeenka xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa Mujaahidiintii garabkii milatari ee ururkii SNM ayaa faah-faahin ka bixiyay taariikhdii maalintan iyo dagaalkii ka dhacay deegaanka Burco duuray ee ay iskaga horyimaadeen mujaahidiintii SNM iyo ciidankii taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa yidhi “Cid kastaaba malin gaara ayay leeyhiin, inaga (Somaliland) Maanta waa Maalintii ay ugu Badnaayeen ee ay Mujaahidiinti SNM inaga dhintaan Dagaalkii Qadhaadhaa ee loo soo maray Wadanka, Maxamed Xaashi Diiriye Lixle, oo ahaa Ragii laf dhabarka ka ahaa Halgankii Dalka Loo soo maray ayaa ku naf waayay Dagaalkaas, Ragaasi waxay lee yihiin Taariikhda aynu maanta halkan u fadhino”
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi oo Xafladaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay heerarkii kala gedisnaa ee ururkii SNM ay soo martay intii ka danbaysay aasaaskeeda ,isagoo sheegay in dagaalkii Burco-duureey ka dhacay uu ku soo beegmay xili isbedel Dimoqraadiyi ku yimi Hoggaankii SNM, iyo cadaadis badan oo kaga imanayay dhinaca dawladii Migiste Xayle Maryam ee wakhtigaa hogaaminayay dalka Ethiopia, waxaanu yidhi “Halganku sidiisaba ma dhamaado ilaa inta uu Qofku dhimanayo wax sugaya halgan dheer oo ah ta Noloshiisa iyo ta dalkiisa inagana wax inoo yaala halgan dheer oo wax kastaa waa inaga qabyo, ta ay Taariikhdu xusaysaa ee ay eegi doontaana waa idinka, fid adduun ku taliya iyo mid xukun ku taliyaba, Waxa inagu dheeraatay in aynu helno aqoonsi caalami ah, waxa inagu dheeraatay in aynu ka baxno Faqriga, iyo Shaqo la,aanta, taas oo aafo Qaran ah.”
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu intaas ku daray “Haday inaga inagu raagtay Shaqo la,aan iyo hadday inagu raagtay aqoonsi la,aan waxa inagu waajib ah in aynu keeno tabtii iyo xeeladdii aynu kaga Bixi lahayn, geesinimaddii, samirkii, iyo waliba arimihii kale ee lagaga Bixi lahaa, dadaynu asqowno, jahda ayaa inaga lumaysa”
Sidoo kale waxa iyana halkaas ka hadashay Marwada koowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirdde (Aamina-Waris), sheegtay in shacabka reer Somaliland ay ka qayb qaataan midnimada iyo wada jirka Somaliland, waxaa hadaladeedii ka mid ahaa “Anigu waxaan qabaa Cadowgeenu wuu badnaa wakhtigii aynu ku jirnay halganka Dalka, balse maanta ayuu ka sii badan yahay, lakiin ALL XAMDULI LAAH, Waynu dhabar adeegnay waynu ka soo gudubnay meel fiican baynu dalkeena soo gaadhsiinay maanta-na weynu joognaa. Halgankii in uu dhamaaaday yanaan moodin, waxaynu kaga bixi karnaa midnimo, walaalatinimo iyo Jacayl aynu jeclaano Dalkeena”.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan Xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu socdo qorshe balaadhan oo lagu horumarinayo Agoomihii SNM, iyo Madxaf lagu Muujiyo Taariikhdii SNM, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka xuso Xukuumadda Somaliland, iyadda oo ka duulaysa Taariikhdii iyo Shuhaddadii SNM inaan la ilaawin. Waxa uu Madaxweynuhu dhagax dhigay laba Todobaad ka hor Taaladdii iyo Madaxfkii lagu uruurinayay Taariikhda SNM, arinkaa halkaas lagagama tagin ee way socotaa, waxaana aanu rajeenaynaynaa in ay ku dhamaato Wakhti kooban, waxaana ay arintani noqon doontaa markii kowaad ee la soo celiyo ama la Muujiyo Taariikhdii iyo Madxafkii Mujaahidiintii SNM.”
Xirsi Cali X. Xasan oo hadalkiisa waxa uu intaas ku daray “Waxaanu sii wadaynaa haddaanu Xukuumadda nahay inaan u muujino, waxa u qaboshada Nafadii iyo Mujaahidiintii SNM, waxaana leeyahay Walalaayaal ha la samro wakhti dheer ayaad dalka u soo halgamayseen”.
Berberanews.com
Hargaysa/Somaliland