Hargeysa-(Berberanews)- Wefti uu hoggaaminayo Maamulaha guud ee Maxjarrada Xoolaha ee Sucuuudiga, Imaaraadka iyo Somaliland oo la yidhaahdo Xasan Khaliif Al-Xasaniya, ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxaana Weftiga halkaa ku soo dhaweeyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir iyo iyo labada Ganacsade ee Aadan Axmed Diiriye (Aadan-Baradho) iyo Cali Balaqbalaq.
Weftigan oo ka koobnaa lix xubnood, waxa Madaarka magaalada Hargeysa oo ay ka soo degeen ka soo galbiyey Wasiirka iyo labadaas Ganacsade, waxaanay Xubnaha Weftiga oo u socday furitaanka Maxjar labaad oo ay Shirkadda Golf International ka hirgelisay magaalada Berbera ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabbilay Weftigaas.
Ganacsade Aadan Axmed Diiriye (Aadan-Baradho), oo Warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa, ayaa yidhi; “Halkan Madaarka waxa innoogu yimi oo aynu ku qaabbilaynaa Wefti ka socda Shirkadda maamusha Maxjarrada Berbera, iyaga oo Muhiimadda ay maanta u socdaanna tahay inay Maxjarka weyn ee Berbera ay Shirkaddaasi ka dhistay ay furaan, kaasoo faa’iido badani innoogu jirto guud ahaan dal ahaan iyo dad ahaanba, waanannu soo dhawaynaynaa Weftigaas.”
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa sharraxaad ka bixiyey isaguna ujeeddada Weftigaas ay Madaarka Caasimadda Hargeysa ku soo dhaweeyeen. “Berrito haddii Illaahay ka dhigo waxa la furayaa Maxjarkii labaad oo Berbera ayaa laga furayaa, sababtaas ayaannu halkan ugu soo dhawaynay Weftiga ka socda Shirkadda maamusha Maxjarradaas, Berritana waxaannu tagaynaa oo Munaasibadda furitaanku ka dhacaysaa magaalada Berbera oo Maxjarkaas laga dhisay.” Ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir.
Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay Maamulaha Maxjarrada Somaliland, Khaliijka Carabta iyo Sucuudiga ee Shirkadda Golf international Xasan Khaliif Al-Xasaniya, oo halkaa ka hadlay ayaa Ganacsatada iyo Masuuliyiinta dawladda Somaliland uga mahadceliyey sida ay Somaliland ugu soo dhaweeyeen, isla markaana waxa uu sheegay inay Somaliland Xoolo badan ka dhoofsadaan, sannadkanna ay diyaar u yihiin inay kordhiyaan tirada Xoolaha ay Dekadda Berbera ka dhoofinayaan ee tagi doona dalka Sucuudiga.
Maamulaha Maxjarrada u qaabbilsan Shirkaddaas Xasan Khaliif, waxa uu sheegay in Xidhiidhka Sucuudiga iyo Somaliland ka dhexeeyaa yahay mid aad u fiican, isaga oo xusay inay Maxjarkoodii labaad maalinta Berri ah xadhigga ka jari doonaan Maxjarka labaad ee ay ka dhiseen magaalada Berbera.
“Somaliland waa dal aannu jecelnahay, waa dal Xidhiidh fiican oo Ganacsi naga dhexeeyo, waxaannu aad ugu mahad-naqaynaa Madaxweynaha Somaliland ee naga oggolaaday inaannu Shirkad ahaan Maxjar labaad ka hirgelinno Berbera iyo Masuuliyiinta dawladdiisa, gaar ahaan Wasiirka Xannaanada Xoolaha, waxaannu hambalyeynaynaa Shacabka iyo Ganacsatada reer Somaliland, gaar ahaan Aadan Axmed Diiriye (Aadan-Baradho).” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Maxjarrada Somaliland u qaabbilsan shirkaddaas Xasan Khaliif Al-Xasaniya.
Shirkaddan ayaa hore Duleedka magaalada Berbera uga hirgelisay Maxjarka ama Karantiinka Xoolaha Dekadda ka dhoofaya lagu sii baadho Caafimaadkooda, isla markaana lagu sii caafimaadiyo intaan Dekedda la geynin ka hor, Maxjarkaas oo fure u noqday inay Xoolaha Somaliland si toos ah ugu dhoofaan dalka Sucuudiga oo Xoolaha Somaliland joojiyey sannadkii 1998-kii.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.