Berbera: Booqashadii Madaxweyne-ku-xigeenka oo soo shaac-saartay Awood-maroorsi iyo wax kala-jiidasho


Faallo: Weriye Maxamed Xarrago

Berbera-(Berberanews)- Safar Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilllaahi Saylici ku tegay maanta magaalada Berbera oo uu xadhiga ka jaray dhismaha maxjar labaad oo lagu xannaanaynayo xoolaha ka dhoofa marsada Berbera, ayaa soo shaac-saaray saartay awood-maroorsi iyo wax kala-jiidasho laga dheehday Masuulliyiinta Gobolka Saaxil, ka dib markii Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) keligii isku koobay inuu ka warbixiyo wax-qabadka iyo qorshayaasha xarummaha dawladda ee Berbera, iyadoo ay garabtaagnaayeen masuulliyiinta maamula hay’adahaas.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay weheliyeen wefti ka socda shirkadda GOLF ee maamusha maxjarrada Al-jaabiri ee magaalada Berbera oo dalka u yimi furitaanka Maxjarka Labaad iyo masuulliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiraxmaan Cawil Xasan iyo Chief of Protocolka Madaxtooyadda Maxamed Cilmi Aadan Aadan, ayaa intii lagu gudo-jiray hawlaha weftigu meesha u tegay oo aan keliya ku koobnayn furista maxjarka, balse booqday goobo ay ka mid tahay dekedda Berbera, waxa soo baxay tallaabooyin u muuqday inuu badhasaabka Gobolka Saaxil si badheedh ah u sameeyay ficillo fasiraado kala duwan leh, ka dib markii uu warbixinno ku saabsan dekedda Berbera ka siiyay weftiga Al-jaabiri goobo dhismayaal cusub laga sammeeyay, meelo dib u habayn lagu sammeeyay iyo qaabka ay dekeddu u shaqayso, isagoo madasha uu taagnaa Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir.

Sidoo kale, intii lagu gudo-jiray booqashada weftigu ku marayeen goobahaas waxa uu Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan si cadho laga dareemayay uga jawaabay su’aal uu dekedda horteeda ku weydiiyay Chief-of-protocolka Madaxtooyadda oo dabcan weftiga u qaabilsanaa hab-maamuuska iyo la-socodka goobahay boonayaan oo ku saabsanayd; waa halkee badhtilmaameedkeena ku xiga dekedda ee aynu u soconaa?, waxa uu badhasaabku ku jawaabay “Addeer shaqada ii daaya, anigaa watee, hawsha waa la kala leeyahay.” Jawaabtaas gaaban ayuu Badhasaabku ka bixiyay.

Hadaba, Inkastoo Badhasaabku yahay Madaxweynaha Gobolka Saaxil u qaabilsan dawladda, haseyeeshee goob kasta oo dawladdu ku leedahay gobolka waxa masuuliyadeeda haya masuul maamulkeeda lagu ogyahay oo wax-qabadkeeda iyo dib-u-dhaceedaba ku suntan oo wax laga weydiiyo, sidaa daraadeed ayay talaabooyinka Badhasaabku qaaday u muuqanayaan kuwo fasiraado kala duwan ka taaganyihiin.

Haseyeeshee, haddii aynu ku sii dhawaano nuxurka fasiraadaha turjun ahaan laga bixin karo tallaabooyinkaas waxay dadkii goobjooga ahaa qaarkood u arkayeen farriin uu badhasaabku u dirayo darafyo kala duwan, sida dawladda iyo masuulliyiinta gobolka Saaxil kaga jirta xukuumadda oo qaarkood ay isku seegeen, kuna kala fogaadeen shirweyne Beesha Saaxil ku qabsatay deegaanka Dubur 29-kii September ee sanadkan oo Ramaax iyo saaxiibadiisa Berbera si weyn uga soo horjeesteen.

Dadka qaar waxay ka muujiyeen aragti taa ka duwan, oo ay macno ahaan ay ku koobeen inuu Badhasaabku Farriin uu Madaxweyne-ku-xigeenka u marinayay dhinaca madaxtooyadda oo nuxurkeedu ku qotomo Is-muujin uu tusayay awoodiisa iyo inuu yahay nin adag oo marka darajiisa maamul laga yimaado  isku wada hogaamin karo hay’adaha kala duwan ee dawladdu ku leedahay Gobolka Saaxil.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo aragtiyahaas lagu macneeyay tallaabooyinka ka soo shaac-baxay Booqashadii Madaxweyne-ku-xigeenku ku tegay Berber,, hadana ujeedada dhabta ah ee Mr. Ramaax ka lahaa awood-maroorsiga uu muujiyay waa mid weli isaga u daahan oo noqon karta sida loo macneeyay amma qaab ka duwan.