Ganacsadaha Carbeed ee Abu Yaasir oo ku hawlan Qorsheyaal liddi ku ah Dhoofka Xoolaha Somaliland ee Mooshinka Xajka.

Berbera, 18 October, 2011 (Berberanewsl)– Maal-qabeenka u dhashay dalka Sucuudiga ee Abu Yaasir, ayaa dhawrkii todobaad ee u dambeeyey ku hawlanaa dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo uu kula dagaaalamayo shirkadda ganacsadaha dhiggiisa ee Saleebaan Al-Jaabiri oo dhoofisa Xoolaha ugu tirada badan ee Somaliland u dirto waddanka boqortooyada Sucuudiga Carabiya.
Ganacsade Abu Yasir oo shirkaddiisu maal-gelisay mid ka mid ah maxjarrada lagu xannaaneeyo xoolaha ka dhoofaya dekedda Berbera, isla markaana marar badan ooh ore isku dayey shirqoollo fashilmay oo uu ku damacsanaa inuu ku nashaasheeyo caafimaadka xoolaha Somaliland si dalalka Carbeed ee loo iibgeeyo ay u joojiyaan qaadashadooda, ayaa mar kale dib u soo cusboonaysiiyey shir-qoolladaas, ka dib markii sida la sheegay uu ka hinaasay maxjar qaranka Somaliland leeyahay oo ganacsadaha tartanka dhoofinta xoolaha kaga adkaaday ee Al-jaabiri ka hirgeliyey Magaalo-xeebeedda Berbera, kaasoo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah xadhigga looga jaro.
Shir-qoollada iyo dhagaraha uu ganacsade Abu Yasir muddada la daba socday sidii xayiraad loogu soo rogi lahaa xoolaha nool ee Somaliland, isaga oo dhaq-dhaqaaqyadiisa xaasidnimada iyo xumaanta xambaarsan ku beega sannadka kasta xilliga mooshinka Xajka oo ah wakhtiga Xoolaha ugu tirada badan ee Somaliland u dhoofaan dalka Sucuudiga, waxaannu maalmihii la soo dhaafay ku hawlanaa qorsheyaal uu kaga hortegayo dhammaystirka maxjarka qaranka ee shirkadda Al-Jaabiri ka waddo magaalada Berbera.
Dhaq-dhaqaaqyada liddiga ku ah dhoofka xoolaha Somaliland ee Abu Yasir caadaystay waxa ugu dambeeyay qorsheyaal ay wadeen Wakiillada Shirkaddiisa Berbera, kuwaas oo bilaabay hawl-gallo ay ku sheeganayaan lahaanshaha qayb ka mid ah dhulka laga dhisayo maxjarka ugu weyn dalka ee haatan dhismihiisu gebo-gabada yahay, arrintaas oo lagu tilmaamay mid qayb ka ah dagaalka ganacsadahaas Carbeed kula jiro dhoofka xoolaha Somaliland.
In kasta oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay sannadkii hore la gashay ganacsade Abu Yasir heshiis uu muddo dheer ku taamayey oo ku saabsan dhoofinta Xoolaha Somaliland, magaalada Berbera-na uga furan yahay Maxjar xoog iyo sharci-darro lagu bilaabay dhismihiisa badhtamihii sannadkii 2010 xilli uu dalku ku jiray doorashadii madaxtooyada iyo kala-wareeggii laba xukuumadood ee talada kala dhaxlay,  haddana  weli ma joojin dagaalka aan gabbashada lahayn ee uu ku hamiyayo sidii uu mar uun xayiraad ugu heli lahaa xoolaha nool ee Somaliland dhoofiso, isagaoo tabo iyo xeelado kala duwan u adeegsaday hindisihiisa la xidhiidha inuu xoolaha Somaliland kaga xidho Suuqyada waddamada Carabta, gaar ahaan dalka Sucuudiga oo ah suuqa ugu weyn ee loo iibgeeyo xoolaha ka dhoofa dekedda, siiba wakhtiga mooshinka Xajka oo loo diro xoolo tiradooda ku dhowdahay 3 – 4 milyan oo neef.
Berberanews.com
Berbera/Somaliland