Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo xadhiga ka jaray dhismaha maxjar labaad oo Ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri ka hirgeliyay Berbera

Berbera-(Berberanews)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhigga ka jaray Maxjar labaad oo Shirkadda Ganacsadaha Carbeed ee Al-Jaabiri ka hirgelisay magaalada Berbera, kaasoo dhismihiisu muddo saddex sano ah socday, isla markaana lacag fara badani ku baxday.

Munaasibadda xadhigga lagaga jaray Maxjarkaas labaad ee Berbera, ka sokow Madaxweyne Ku-xigeenka waxa ka qaybgalay Masuuliyiin ka socday Shirkadda GOLF International ee maamusha Maxjarradaas oo dalka u yimi furitaankiisa, isla markaana Diyaarad khaasa Hargeysa ka kaxaystay, Wasiirro iyo Masuuliyiin ka socday Xukuumadda dhexe, Masuuliyiinta Degmada Berbera, kuwa Gobolka Saaxil, Ganacsato iyo Marti-sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa kale oo uu xadhigga ka jaray Dhismayaal cusub oo lagu kordhiyey goobo ka mid ah Dekadda Berbera, sidoo kale waxa ay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Weftigiisu ka qaybgaleen Xus isla magalada Berbera loogu sameeyey maalinta Cuntada Adduunka ee 18-ka October oo sannad kasta Somaliland iyo dunidaba looga debbaal-dego.

Ugu horreyn furitaankii Xafladdaas, waxa hadal kooban oo soo dhawayn ah ka jeediyey Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo sheegay inuu ku faraxsan yahay Weftiga Carbeed iyo Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka ee Berbera u tagay furitaanka Maxjarka labaad ee Berbera.

Waxa halkaa ka hadlay Maamulaha Maxjarrada Somaliland, Khaliijka iyo Sucuudiga ee Shirkadda GOLF Xasan Khaliif Al-Xasaniya, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Somaliland ka hirgeliyaan Maxjar labaad, iyaga oo hore uga hirgeliyey halkaas Maxjarka la sii mariyo Xoolaha Dekadda Berbera ka dhoofaya. Isaga oo Maamuluhu xusay in Maxjarkan labaad kor u qaadi doono tirada iyo tayada Xoolaha Somaliland ka dhoofaya ee la geyn doono Waddanka Sucuudiga.

Maamulaha Shirkadda Al-Jaabiri, waxa uu sheegay inay Maxjarkaa ka hawlgali doonaan Shaqaale badan oo reer Somaliland ah, isla markaana aanu noqon doonin Maxjarkii ugu dambeeyey ee ay Shirkaddoodu ka samayso Somaliland, hase ahaatee, ay wax badan oo kale qaban doonaan. “Waxaan halkan salaam qiimo badan uga dirayaa Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirrada, Maamulka Gobolka Saaxil iyo Shacabka reer Somaliland.” Ayuu yidhi Maamule Xasan Khaliif Al-Xasaniya.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir, oo isaguna Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay in Maxjarkan maanta la furay ee Shirkadda Al-Jaabiri maal-galisay yahay mid Qaranka Somaliland iska leeyahay. “Maxjarkani maaha mid uu leeyahay Ganacsadaha Al-Jaabiri ee waa mid Qaranka Somaliland leeyahay, dood dheer oo aannu wada yeelannay Weftigan Carbeed ee innala jooga ka dib waxaannu isla garannay in muddada Carrafada hal Doollar laga dhimo Lacagta Maxjarka lagaga qaado Xoolaha dhoofaya. Waxaanannu ku heshiinnay iyada oo la tixgelinayo ummadda in dib u eegis lagu sameeyo wixii heshiisyo ah ee Xukuumaddii hore la gashay Shirkadda.”

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo hadal ka jeediyey Munaasibaddii furitaanka Maxjarka labaad ee maanta laga furay magaalada Berbera, waxa uu yidhi; “Farxad bay noo tahay inaannu maanta furno Maxjarkii labaad ee Shirkaddan Al-Jaabiri ka hirgeliso Somaliland, oo sida muuqata ah Maxjar aad u ballaadhan oo baahiyihii dalka ka jiray iyo Xoolihii ka dhoofayey Dekadda Berbera ee caalamiga ah buuxin kara. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay oo aan hambalyeynayaa una mahad-naqayaa dedaalka badan ee ay Shirkaddu samaysay sidii ay u ballaadhin lahayd ganacsiga Xoolaha Somaliland ka dhoofa waanannu soo dhawaynaynaa, maal-gelintuna waa mid labada dhinacba dan baa ugu jirta, Somaliland-na dan baa ugu jirta maalgelin ay dalal shisheeye ku sameeyaan, Maalgeliyayaashana dan baa ugu jirta.”

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan soo dhawaynayaan cid kasta oo doonaysa inay dalka Maal-gashi ku samayso, isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Dawlad ahaan waxaannu diyaar u nahay inaannu soo dhawayno cid kasta oo dalkan maal-gashanaysa oo faa’iido u soo kordhinaysa iyaguna ka faa’iidaysanaya. Furitaanka Maxjarkan waxaan u arkaa tallaabo hore loo qaaday.”

“Waxaannu ummadda reer Somaliland ugu baaqaynaa in maanta oo bisha October 18 tahay Maxjarkan labaad furan yahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Berberanews.com

Berberam Somaliland

Email, info@berberanews.com