Hargeysa-(Berberanews)-Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Maraykanka Dr Sacad Sheekh Cismaan, ayaa dhaliilay u soo jeediyay Siyaasada Arrimaha dibada dalku wakhtigan marayso, waxaanu sheegay in xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo badashay hanaankii ay u wadeen siyaasada wakhtigii xisbiga UDUB talada dalka gacanta ku hayey.
Dr Sacad Sheekh Cismaan Nuur waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo maanta ay wada jir u qabteen Xisbiga UCID, waxaanu tilmaamay in masuuliyiinta arimaha dibada ee Somaliland shirarka loo qabto dadka Soomalida ay uga qayb-galaan si ay dhaqaale uga soo qaataan, balse aanay dan ka lahayn qadiyada madax-banaanida Somaliland.
Dr Sacad oo ugu horeyn ka hadlaya Dastuurka iyo waxa uu madax-banaanida Somaliland ka yidhi waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaynu go’aansanay inaynaan tagin meel la yidhaahdo Somali-weyn ayaa lagu heshiisiinayaa oo waxa dunida lagu sheegaa ku doonayso inay Soomalida ku heshiisiiso aynaan ka mid noqon, waayo inagu Jamhuuriyad madax-banaan ayaynu noqonay oo sidaas ayaynu Dastuurkeena ku qoranay, maynaan tagin shirarkii Carta iyo kii Imbagati, adduunkana waxaynu ugu sharaxnay anaga meel aan lanagu aqoonsanayn anaga oo dawlad madax-banaan ah cidna marti u noqon mayno ee dunidu sida imikaba ay noola macaamisho ha noola macaamimaato, siyaasadeena arimaha dibadu sidaas ayay ku salaysnayd.”
Dr Sacad waxa kale oo uu soo qaaday isaga oo sii sharaxaya halka go’aamada madax-banaanida Somaliland lagu gaadhay “Sidaasina waxay ka soo buqatay shirkii ka dhacay Burco 1991-kii, haddaba ilaa maalintii xukuumadani ay maamulka timid waxaad moodaa in siyaasadii dib looga noqday, horena waxaan u idhi siyaasadii arimaha dibadu way badhxan tahay, gudaha iyo dibadana waxaad moodaa in dib looga noqday gooni- isu-taagii ama waxaad moodaa in waxa la wadaa ka turjumayso in dib looga noqday jiritaankii iyo madax-banaanidii Somaliland, taasina maaha wax dadku ku heshiiyey ee waa mid maamulka maanta joogaa ku shaqaynayo waana mid khaldan.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan sheegayaa arintaasi maaha arin socon karta, waxaanad moodaa in xukuumadani aqbashay in Somaliland noqoto maamul goboleed,marka aynu ag-fadhiisano Faroolaha Puntland iyo kuwo maamul goboleedyo kale, adduunkuna waxa uu kugula macaamiloonayaa in siyaasadii arimaha dibada ee Somaliland wax laga badalay, muuqaalka maamulkani bixinayo waa mid adduunku u arkayo in Somaliland dib uga fadhiisatay gooni isu-taagii.”
Sacad Sheekh Cismaan Nuur waxa uu sheegay in dadka rabitaankoodu aanu ahayn in Somaliya dib loogu daro “Dadkan rabitaankiisu maaha in Soomali-weyn lagu celiyo in madax-banaanidooda laga qaado ama xataa wax ka qaadis u eg loola yimaado, markaa haddii xukuumada Somaliland ka waantoobi waydo tan ay ku jirto maanta oo ay ka waantoobi weydo inuu kacdoon dadwayne ka dhaco ayaa suurto-gal ah (ILAAHAY HA INAGA HAYEE), oo ay Hargeysa dhexdeeda ka dhacdo in lala yimaado boodhadh dhaadheer oo ah TAG, markaa arintaa umadda halaga joogo ayaanu leenahay.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com