“Dawladda hoose waxay u caan-baxday Xaaraan iyo inay si xun ula dhaqanto dadka jilicsan, Illaahay ka baqan-maayaan, dawlad ka baqan maayaan, Shacabna ma ixtiraamayaan…”

Waraysi Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Saynab X. Maxamed Gaas.

Hargeysa-(Berberanews)- Saynab Xaaji Maxamed Gaas oo Guddoomiye ka ah Urur u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha iyo arrimaha Haweenka oo la yidhaahdo Gaashaan, ayaa dawladda hoose ee Hargeysa iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex ku eedaysay inay musuqmaasuqeen goobo loo qorsheeyey in la dejiyo dad danyar ah oo laga rari lahaa Xabaalaha Xaafadda Gol-janno degmada 26 June ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Saynab Gaas, waxay sidaa ku sheegtay waraysi uu la yeeshay Weriye ka tirsan Shabakadda Berberanews, kaasoo maanta kula kulmay goobta loo yaqaanno Xabaalaha Goljanno oo in ka badan boqol iyo konton qoys oo danyar ah dawladda hoose kaga dumisay Buulal halkaas uga dhisnaa oo ay degganaayeen, ka dib markii Cagaf iyo Ciidan ay Dawladda hoose subaxnimadii hore ee saaka gelisay.

Saynab oo ugu horreyn ka jawaabaysay waxyaabaha ay kala socodo qaabka dadkaas loola dhaqmay maaddaama oo ay tahay qof  Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqda, waxay tidhi; “Dadkan si xun oo arxan-darro ah ayaa loo galay, si bina-aadannimada ka baxsan ayaa loola dhaqmay, iyada oo dadka Xabaalahaas dul-degganaa aan markii horeba loo qorshayn meel la dejiyo illaa ay dadka meesha degganaa codsadeen in Xabaalaha laga dul-raro, waayo waxay ahaayeen dad jilicsan oo dani meesha dhigtay, dawladda hoosena waxay weligeedba ku caan-baxday Xaaraan iyo inay si xun ula dhaqanto dadka jilicsan, waayo Illaahay ka baqan-maayaan, dawlad ka baqan maayaan oo waxay ka dhigteen mid ay gacanta ku haystaan, Shacabna ka bixi maayaan mana ixtiraamayaan.”

“Dadkani waxay yidhaahdeen markii aannu Culimada wax ka weydiinnay waxay noo sheegeen inay xaaraan tahay inaannu Xabaalaha dul-degganaanno, oo waxay yidhaahdeen Culimadu waxay tidhi Sako, Sadaqo, Salaad iyo Soontoona la idinka aqbali maayo intaad dul-deggan tihiin Xabaalaha. Taas ayaa ku kalliftay inay codsadaan in meeshaa laga raro. Dawladda hoose waxay tidhi Boqol iyo konton kaadh baannu bixinnay, waa-ayo cidda kaadhadhka la siiyey, dadkii dhawr iyo tobanka sano meeshan degganaa waakuwaa buulashii lagu dul-dumiyey ee aan qoys kaliya kaadh la siin ay ku guuraan.” Ayey hadalkeeda ku sii ladhay Saynab.

Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Marwo Saynab Gaas, waxay eedayn culus u jeedisay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo Maamulka dawladda hoose ee Caasimadda, waxaana ka mid ahaa hadalladeedii oo ay tidhi; “Waxa hadda la sheegayaa in boqol iyo kontankaa kaadh Maayar ku-xigeenka dawladda hoose Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamar-je), ayaa Kaadhadhkii jeebabka ku qaatay oo qofkay doonaanna siiyey kay doonaanna Lacag ka tirsaday oo ka iibiyey, waxaasina waa caddaal-darro in dad maati ah oo jilicsan Bacadka la wadho iyaga iyo ubadkoodii meelna la geynin, buulashii ay bacadka iyo roobka ka hoos-galayeenna lagu dul-burburiyey.”

Saynab, waxay Madaxweynaha Somaliland, Xukuumaddiisa iyo Duqa Caasimadda ugu baaqday inay si dhakhso ah wax uga qabtaan dhibaatada loo geystay dadkaas danyarta ah, isla markaana si deg-deg ah loo dejiyo goobo loo qorsheeyo oo aanay dhibaato kaga iman Karin ee ay ku nabadgeli karaan, kuna noolaan karaan. “Waxaan leeyahay Ninka Maayarka ah dhulkaad adiga iyo Badhasaabku u ballan-qaaddeen dadka danyarta ah waa inaad dhakhso u dejisaan, waayo dadka bacadka wadhan waxba kama saarna kaadhadhkooda la musuqay, laakiin meel ay degaan bay u baahan yihiin oo amni ah oo ay ku noolaan karaan.” Sidaa ayey tidhi Saynab.

Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Saynab Gaas oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi; “Waxaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo ugu baaqayaa inuu si dhakhso ah u soo farageliyo dhibaatada dadkaa danyarta ah loo geystay, waxaan leeyahay Madaxweyne Illaahay waxba uma waayin dadkaas ee waa la innagu eegayaa, qofka koobaad ee Masuuliyaddu ka saaran tahayna waa Adiga, sidaa daraaddeed, waxaan kuugu baaqayaa inaad dhakhso wax uga qabato, isla markaana aad amar ku bixiso in dadkaas kaadhadhkii lagu rari lahaa lagu dul iibsaday in meel ay ku nabadgalaan la dejiyo.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.