Hargeysa: Masuuliyiinta dawladda hoose iyo Badhasaabka Maroodi-jeex oo Barakiciyey ku dhawaad laba boqol oo Qoys iyo fadeexadda ka dhalatay

Hargeysa-(Berberanews)- ku dhawaad illaa boqol iyo konton (150) Qoys oo dan-yar ah, isla markaana muddo dheer degganaa goob Xabaalo ah oo ku taalla Xaafadda Gol-janno Degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa, ayaa maamulka dawladda hoose ee Caasimadda iyo ka gobolka Maroodi-jeex subaxnimadii hore ee saaka duullaan ku qaadeen, isla markaana ay Cagaf galiyeen guryo Buulal u badnaa oo gabboodsanayeen.

Dadkan danyarta ah ee ay Dawladda Hoose oo kaashanaysa Badhasaabka gobolka ay saaka Cagafta iyo Ciidanka gelisay, ayaa hore dawladda Hoose uga codsaday in Xabaalahaas laga dul-raro, isla markaana goob aan Xabaalo ahayn loo raro, codsigaas oo ay dawladda hoosena aqbashay ayaa sababay in dad Maati ah oo u badan Haween iyo Carruur in iyaga, gabboodyadii ay galayeen iyo wixii u hoos-yaallayba Bacadka la wadho, ka dib markii ay Cagaf ay Ciidammada Booliska ee dawladda hoose oo ay Maayar ku-xigeenka Caasimadda iyo Badhasaabka Gobolku horkacayeen.

Qaar ka mida dadka danyarta ah ee Guryihii ay ku jireen iyo wixii u hoos yaallay la isku dumayey oo Shabakadda Berberanews u warramay, ayaa dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa iyo masuuliyiinteeda oo uu Badhasaabku weheliyo ku eedeeyey inay si badheedh ah Bacadka u wadheen iyaga iyo ubadkoodoo, isla markaana meelihii loo qorsheeyey in loo raro ay ka iibiyeen dad aan danyar ahayn oo ay xuseen in kaadhadhkii boosaska loogu talagalay in la geeyo ee lagu rari lahaa qoys kasta laga iibiyey dad kale.

Aamina Ibraahin oo ah Hooyo shan Carruura dhashay oo ka mid ah dadka danyarta ah ee Xabaalaha Goljanno degganaa, oo Weriyayaal ka tirsan Berberanews wax ka weydiiyeen waxa ku dhacay ayaa ku jawaabtay; “Dhibaato ayaa I haysata shan carruura oo kan aan dhabarka ku sidaa ugu yar yahay ayaan haystaa, Buulkii aan ku jirayna waa la iga dumiyey, Ilmahaa yar saaka illaa galabta biyo yarna ma siin oo wixii aannu haysannayba halkan bay ku burburiyeen. Warqaddii halkan la igu dejiyey toban sano ka hor ee dawladda hoose I siisay waatan, waxaana halkan nala keenay toban sano ka hor oo Xisbiga nalaga soo raray. Saacaddaasna meel la ii raray ma jirto, meeshii aannu buulbuulka ku lahayna waydinkaa arkaya oo waa la dumiyey, wixii noo hoos yaallayna waa lagu dumiyey.”

Hooyo Aamina Aadan Cabdillaahi oo ka mid ahayd Haweenka guryaha lagu dumiyey ayaa sheegtay inay Askarta dawladda Hoose xidheen markii ay ka codsatay inay gurigeeda oo la duminayo kala baxdo waxay cunto. “Waxaannu nahay dadkii halkan Xabaalaha dul-degganaa, annaga ayaa muddo ayaannu dacwoonaynay oo waxaannu nidhi meeshani waa Xabaalo-dushood oo dambibaa noogu socda ee ha nalaga raro way naga oggolaatay dawladda hoose. Hase-yeeshee, saaka lixdii subaxnimo iyadoon waxba naloo sheegin ayaa nala soo galay annaga oo iska deggan, waxaannu xidhanno, waxaannu cunno iyo waxaannu cabno midna kamaannaan qaadan guryahayagii ee iyadoonnaan caday ka qaadan ayaa la dumiyey, Askarta markaan ku idhi waar Waxaannu cunno aan kala baxo guriga wuu diiday intuu Askari I afgambi ii tuuray ayaa la I xidhay oo rubuc ka hor hadda ayaa la isoo daayey.” Sidaa ayey tidhi Hooyo Aamina Aadan Cabdillaahi oo u warrantay Berberanews.

Aamina Aadan, waxay sheegtay in markii ay dacwoodeen dawladda hoose u sheegtay inay si fiican u rarayaan, isla markaana ay goob la dejiyo uga astaynayaan Xaafadda Sheekh Cumar oo ka mid ah meelaha beryahan dambe dadka danyarta ah la dejiyo. Hooyo Aamina oo faah-faahin ka bixinaysa arrimahaasi waxay tidhi; “Meeshii naloogu talagalay waxa kaadhadhkii ama juwannadii aannu ku degi lahayn laga iibiyey dad lacag haysta oo dadkii daaraha lahaaya. Waxa dawladda la socday dad fara badan oo ay hoosta iska ogaayeen Masuuliyiinta dawladda hoose iyo Badhasaabka, markii ay dadkii halkaa hortayada isa soo safeen iyada oo aan annaga waxba nala waydiin oo guryahayagii cagaf iyo askar la geliyey, dadkii magaalada ka yimina waraaqihii nalagu rari lahaa ayaa loo qaybiyey oo laga iibiyey, intii annaga nalaga qaadayna waa la soo eryaday oo meeshii naloo qorsheeyey dadkii laga iibiyey ayaa buuxiyey, annagana dadkii meesha degganaa way diideen inay Baabuurta ka dagaan qoysaskii la qaaday oo waa kuwaa Baabuurtu halkii lagu dumiyey hadda ku rogayaan.”

http://www.berberanews.com/wp-content/uploads/2011/10/DSC00410.jpg

Sidoo kale dad boqol qof ka badan oo aannu goobtaa kula kulannay ayaa cabasho weyn ka muujiyey qaabka ay dawladda hoose ee Caasimaddu ula dhaqantay iyo sida ay u saamaynayso dhibaatada ay saaka u geysatay maaddaama oo ay dad danyara yihiin oo aanay xattaa heli Karin Buulasha hoyga u ahayd ee ay Bacadka iyo Roobka kaga gabban jireen, waxaanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen inay wax ka qabato dhibaatada ay dawladda hoose u geysatay, isla markaana ka hawlgasho sidii ay meel ay ku noolaan karaan nolol ahaan iyo nabadgeliyo ahaanba dejiso.

Tallaabadan ay dawladda hoose ee Caasimadda iyo maamulka Gobolka Maroodi-jeex ku dhaqaaqeen maanta, ayaa noqonayso mid aan hore loo arag in dad danyar ah lagu dul-dumiyo gabboodyadii ay degganaayeen, iyada oo tallaabadani dhinaca kale daaha ka fayday fadeexad musuqmaasuq oo dul-hoganaysa masuuliyiinta dawladda hoose iyo maamulka Gobolka, maaddaama oo ay durba soo shaac-baxeen warar sheegaya in kaadhadhkii boosaska lagu dejin lahaa dadka la doonayay in la raro la iibsaday, halka dadkii ay ahayd in loo qaybiyo oo goobo cusub lagu dejiyo ay Bacadka iyo Babaydhyada dibad-yaal u yihiin.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.