Hargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horraysay soo bandhigay sababta beesha caalamku indhaha uga qabsatay qadiyadda aqoonsiga Somaliland iyo guulaha dimuqraadiyadeed ee ay ku tallaabsatay.
Qoraal ku qoran luuqada Ingiriisiga oo Madaxweyne Siilaanyo beesha caalamka kula garnaqsanayo qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland oo xalay lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha internet-ka caalamka, waxa uu ku dooday in sababta beesha caalamku indhaha uga qabsaday guulaha dimuqraadiyadeed iyo aqoonsiga Somaliland la xidhiidho fikrado gaboobay oo lagaga hortagayey in dalalka Afrika kala googo’aan.
“Sababta beesha caalamku iskaga indho-tirtay qaddiyaddayada iyo tijaabooyinka dimuqraadiyadda aannu ku guulaysanay waxay la xidhiidhaa go’aan gaboobay oo budoobay oo nus-qarni ka hor uu gaadhay ururkii hore ee Midowga Afrika (OAU) ee hadda ah Midowga Afrika (AU) oo dib ugu noqonayey xuduudihii gumaysigu kaga tagay qaaradda Afrika, kuwaas oo ka cabsiqabay iska horimaadyo qabiil iyo dagaallo sokeeye oo aan la tirinkarin, iyadoo xilligaa OAU-dii xukuntay in xuduudihii ay dhigeen reer Galbeedku sidooda loo tixgeliyo,” ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalkiisa oo ahaa mid dheer oo Jamhuuriya akhritayaashiisa u soo koobay.
Haseyeeshee, Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in fikradaasi dhicisowday kadib markii Erateriya ka go’day Itoobiya, isla markaana Koonfurta Suudaan ka madaxbannaanaatay dalka Suudaan, sidaa daraadeedna aanay jirin sabab hadda loo hortaagnaado madaxbannaanida Somaliland oo si iskeed ah sannadkii 1960-kii ugu biirtay Soomaaliyadii uu guamaysan jiray Talyanigu, iyadoo halgan qadhaadh kadibna sannadkii 1991-kii dib ula soo noqotay madaxbaanideeda oo muddadii 20-ka sanno ka dambeeyey ku tallaabsatay horumar aan cidi ka taageerin.
Md. Siilaanyo waxa uu ku eedeeyey Midowga Afrika inay qashin-qubka raaciyeen warbixin ay Somaliland ka diyaariyeen guddi xaqiiqo-raadis ah oo ka socday Midowga Afrika oo sannadkii 2005 yimi Hargeysa, isagoo xusay in weftigaas oo uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Miwowga Afrika Patrick Mazimhaka ay caddeeyeen in midowgii 1960-kii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya aan marnaba la ansixin oo aannu dhaqangal ahayn. Haseyeeshee, markii warbixintaasi guddigu hordhigeen Midowga Afrika la iska indho-tiray, lana raaciyey xashiishka.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu walaac ka muujiyey hannaanka aayo-ka-tashi ee ummadaha adduunka, waxaannu soo jeediyey tallooyin lagaga bixi karo caqabadahaasi.
Isagoo arrintaa qoraalkiisa kaga hadlayana waxa uu yidhi, “Goorma ayey dad awoodi doonaan inay ku dhawaaqaan madaxbannaanidooda oo ay heli doonaan aqoonsi caalami ah? Waxa arrintan badka soo dhigay Falastiin oo Qaramada Midoobay u gudbiyey codsigooda la xidhiidha inay dalka madaxbannaan noqdaan, shuruucda caalamiga ahina halkan ma taageerayaan, run ahaantii maxkamadda adduunku waxa qudha oo ay bixisay tilmaamid xadidan.
Mabaadida aasaasiga ah ee aan aaminsanahay in laga gudbo ee Somaliland-na la kulantay waxa weeye sidan;
1. Goosashada waa in aanay ka dhalan farogelin dibadeed, waa in caqabadha aqoonsiga goosashadu noqdo mid sarreeya
2. Madaxbannaanida waa in la aqoonsadaa oo keliya haddii aqlabiyadda (51% codeeyayaashu) si xor ah u doortaan afti xalaal ah oo laga qaado
3. Dhammaan dadka laga tirada badan yahay waa in si xushmad ah loola dhaqmo.”
Ugu dambayn Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in beesha caalamku si aan xaq ahayn u kala taageerto Somaliland iyo Soomaaliya, “Lacagaha horumarineed ee Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub tusaale ahaan waxay ku shubaan god madow oo Soomaaliya ah, sababtuna waa aqoonsiga dawladnimo, laakiin dadka reer Somaliland oo u tiro badan sida kuwa Soomaaliya waxyar baa loo soo beddelaa iyaga oo qaada faro-guudkood ka hela lacagaha lagu khasaarinayo Soomaaliya,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Sources, Jamhuuriya