Boorame-(Berberanews)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti uu Hoggaaminayo ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyey ka dib markii ay gelinkii hore ee isla maanta ka ambabaxeen Caasimadda Hargeysa.
Weftiga uu horkacayo Madaxweyne Ku-xigeenku ayaa isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Saraakiil ka tirsan Hay’adaha dawladda iyo masuuliyiiin kale, ayaa subaxnimadii Saaka ka kicitimay magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, ayaa magaalada Boorama kala kulmay soo dhawayn diirran iyo qaabbilaad fiican, ka dib markii dadweyne tiro badan iyo Masuuliyiinta Gobolka Awdal iyo qaar ka mid ah Degmooyinka hoos-taga, Salaaddiin iyo Odayaasha Dhaqanku ay kaga horyimaaddeen degmada Dila.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Axmed Xaddi Sidci, Maayarka Degmada Dila Salaaddiin Iyo Boqollaal qof oo ka mid ah bulshada degmada Dila, kuwaasi oo lulayey caleemo qoyan, Calanka Somaliland, isla markaana ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Sinjigaad ka dhalatiyo Somaliland-baa kuu sacab tumaysee ku soo dhawoow salaan wacan” “Waa geesigii oo guul buu wadaa.” Kuwaas iyo weedho kale ayaa ka mid ahaa erayadii ay ku dhawaaqayeen soo dhaweeyayaashu.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo si weyn loogu soo dhaweeyay Tuulooyinka Tulli Cagaaran iyo Gorayo-cawl, kuwaasi oo ay kaga horyimaaddeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud, Dib-u-dejinta iyo Duulista Hawada oo weftiga ka sii horreeyey si ay ugu gogol-xaadhaan. Waxa kale oo masuuliyiinta soo dhaweeyay ka mid ahaa Madaxweyne Ku-Xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Xildhibaanno ka soo jeeda Xisbiga UDUB oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
Weftigan Madaxweyne Ku xigeenka waxa loogu galbiyay magaalada Boorame gaadiid aad u badan oo ay ka buuxaan dadweyne tiro badan. Weftiga Madaxweyne Ku xigeenka waxa magaalada Boorame ku soo dhaweeyay Kumannaan qof oo ka mid ah dadweynaha kuwaasi oo sufuuf u taagnaa jidka wadnaha ee badhtamaha magaalada Boorame, waxaanay siteen calamada Somaliland iyo caleemo qoyan waxaanay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayeen Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.
“Socdaalka weftigaygu waxa uu xidhiidhaa sidii aan ugu kuur geli lahayn xaalada guud ee gobolka Awdal gaar ahaan dhinacyada abaaraha, maamulka Ha’yadaha dawliga.” Sidaa ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan-Saylici oo Warbaahinta ugu warramay isla maanta Huteel Rays ee magaalada Boorama.
Madaxweyne ku-xigeenku, waxa uu sheegay inta uu joogo Boorama inuu kulammo la yeelan doono Masuuliyiinta maamulka gobolka iyo hay’adaha laamaha dawladda, isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Waxa kale oo aan kulamo la yeelan doonaa Masuuliyiinta maamulka gobolka, laamaha dawlada iyo waxgaradka iyo salaadiinta gobolka Awdal si aanu u ogaano xaaladaha ka jira gobolka.”
Xubnaha Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland socdaalkiisa Boorama uu ku tagay ku weheliyaa waxay kala ahaayeen; Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle), Guddoomiye Ku Xigeenka NERAD Axmed Muxumed Geelle, Ergayga Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan iyo Marwada labaad ee Somaliland Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan iyo xubno kale.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.