Nairobi-(Berberanews)- Dawladda Kenya ayaa ka hadashay sababta ay Toddobaadkan Ciidammadeeda u soo gelisay gudaha dalka Soomaaliya oo ay xad-wadaag yihiin. Sidoo kale, waxay dawladda Kenya sheegtay tiro dagaal-yahaniin Al-Shabaab ka tirsanaaya oo ay Ciidammadeedu ku laayeen duqaymo ay Soomaaliya ka fuliyeen.
Waxaanay Kenya ku doodday inay tallaabadaas Ciidankeedu Soomaaliya ku soo galeen qaadday, ka dib markii Dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya ka codsatay inay ka caawiyaan dagaalka ay kula jirto Malleeshiyada nabad-diidka ah ee Al-Shabaab. Sidaana waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Ammuuraha Dibedda dalka Kenya Moses Wetangula.
Wasiirka arrimaha dibedda Kinya, waxa uu intaa ku daray, inay dawladda Kinya tixgelisay Codsiga uga yimi dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya, isla markaana ay go’aansadeen inay Ciidammadoodu ka soo gudbaan Xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oo ay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu xusay inaanay Ciidammada Kenya wax faro-gelin ah wadin, hase ahaatee, ay si wada-jir ah ula hawlgalayaan Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya si wax looga qabto khataraha amni ee Malleeshiyada Al-shabaab. “Marka ugu horreysa arrintani maaha weerar aannu ku qaadnay Soomaaliya, Kenya uma socoto danna kama laha inay weerar ku qaaddo waddan kale, manaannu weerarin, haddana ma weerarayno waddan kale ama Soomaliya ha ahaado ama mid kalee.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda ee dawladda Kinya Moses Wetangula.
Mar uu Wasiirku ka jawaabayey cambaarayno loo jeediyey Kenya markii ay Ciidammadeedu ka gudbeen Xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto ka dib, waxa uu yidhi; “Haddii dariskaagu uu dhibaataysan yahay oo uu kugu marti-qaado inaad caawiso. Taas lama odhan karo weerar, Soomaaliya waxa dhib ku haya Malleeshiyada Al-shabaab, waxaanay gaadheen heer ay Soomaaliya ku filnaan waydo oo ay u soo dusaan Kenya. Sidaa daraaddeed Kenya way sii wadaysaa dagaalka ay kula jirto Argagixisada.”
Diyaaradaha dagaalka ee dawladda Kenya ayaa hawl-galo duqayn ah ka geystay gudaha dalka Soomaliya, gaar ahaan meelaha ay fadhiisimada ku leeyihiin Al-shabaab, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Kenya Major Emmanuel Chirchir oo saxaafadda kula hadlay Nairobi. Afahayeen Maj Chirchir oo arrintaa uga warramay Warbaahinta Nairobi waxa uu yidhi; “Waxaanu rejeynaynaa in Ciidammadayadu ay howlgalkan guulo ka gaadhaan, intii ay ku guda jireenna waxay dileen 73 ka tirsanaa dagaalyahannada Malleeshiyada Al-Shabaab.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.