“Carruurta aannu wadanno qaarkood dhimasho ayey qarka u saaran yihiin, waayo, Wax Cunto ah oo aannu helnay ma jirto saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey, xalayna Hay’adda IOM waxay nasiisay Buskud Carruurtii cuntay xanuun ka qaadday.” Mid ka mid ah Itoobiyaanka cabashada muujiyey.
Hargeysa-(Berberanews)- Boqol iyo labaatan (120) Qoys oo ka mid ah Dadka Itoobiyaanka ah ee aan sharciga haysan ee ay dawladda Somaliland ugu baaqday inay ka baxaan dalkeeda, isla markaana ku noqdaan meelihii ay ka yimaaddeen oo dhawaanahanba ka sii qulqulayey dalka, ayaa waxa soo food-saartay macaluul, ka dib markii ay waayeen wax ay quutaan.
Hay’adda Socdaalka Adduunka IOM oo ballan-qaadday inay u soo kiraynayso gaadiid gaadhsiiya Itoobiya, maaddaama oo aanay haysan wax kharash ah oo ay ku gaadhi karaan waddankoodii hooyo, ayaan illaa hadda u dhaqaaqin qaaditaanka dadkaas, isla markaana waxay ku cawdeen dadkaas Itoobiyaanka ahi inay muddo 12 habeen ah hor fadhiyaan Xafiiska ay Hay’adda IOM ku leedahay Caasimadda Hargeysa, halkaasoo waxay cunaan iyo waxay cabbaan toona aanay ku haysan, Buskul IOM u keentayna ay Carruurtii ay wateen kaga xanuunsadeen.
Weriyayaal ka tirsan Shabakadda wararka Internetka ee Berberanews, ayaa maanta booqday dadkaas guulka ku ah Xafiiska Hay’adda IOM ay Hargeysa ku leedahay, kuwaasoo Weriyayaasha uga warramay xaaladda ay ku sugan yihiin. Cabdiraxmaan Maxamed Girayse, waxa uu ka mid yahay qoysaska degal-fadhiga ku ah Xafiiska Hay’addaas raritaankooda dammaanad-qaadday, waxaanu sida ay halkaa ku tageen iyo qaabka ay ugu nool yihiin uga warramay Berberanews.
“Halkan waxaannu ku sugannay muddo 12 Habeen ah, annaga oo sugaynay ballan-qaad ay Hay’adda IOM noo samaysay inay dalkayagii na geyn doonto, laakiin illaa hadda wax naloo qabtay ma jirto, haddii aannu lugayn lahayna Ciidammada Somaliland baa na soo qabanaya oo ma socon karno.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Girayse, oo sheegay xilligii la soo qabtay inuu ku sugnaa Guri uu ilaalin jiray oo ku yaalla Xaafadda Badda-Cas ee magaalada Hargeysa.
Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inay Carruurta ay wataan qarka u saaran yihiin dhimasho, ka dib markii sida uu sheegay ay ku xanuunsadeen Buskul ay Hay’addu siisay. Waxaanu Cabdiraxmaan Girayse oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Carruurta aannu wadanno qaarkood dhimasho ayey qarka u saaran yihiin oo ay halis ugu jiraan, waayo? Wax Cunto ah oo aannu helnay ma jirto saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey, xalayna Hay’adda IOM waxay nasiisay Buskud Carruurtii cuntay xanuun ka qaadday.”
“Xaaladdayadu waa sidaa Cabdiraxmaan sheegay oo waxba ku dari maayo, hase ahaatee, waxaannu Hay’adaha gargaarka, kuwa caalamiga ah iyo dawladaha dunidaba ugu baaqaynaa inay gurmad deg-deg ah noo fidiyaan oo ay arrintayada hoos u eegaan, isla markaana gargaar bina-aadaminimo noo fidiyaan oo dalkayagiina si bilaa dhibaato ah naloo geeyo.” Sidaa waxa yidhi nin magiciisa noogu sheegay Xasan oo ka mid ahaa dadka Itoobiyaanka ah ee ka dhur-sugaya inay IOM qaaddo illaa dalkoodii, oo xusay inay hadda ka rejo-dhigeen hay’addaas, maaddaama oo ay muddo laba toddobaad ku dhaw sugayeen, isla markaana wax ay u qabatay jirin illaa iyo wakhtigan.
Hooyo da’ ah oo ka mida dadka Itoobiyaanka ah ee ay Hay’adda IOM u ballan-qaadday ayaa sheegtay inay aad u dhibaataysan yihiin, waxaanay ku cabatay inaanay garan Karin sida ay xaaladdoodu ku dambayn doonto haddii aan dhakhso loogu gurman. Waxaana ka mid ahaa hadalladeedii oo ay tidhi; “Ma garan karo sida ay ku dambayn doonto xaaladdayadu haddii aan meeshan dhinac uun nalooga qaadin, waxaannu cunno iyo waxaannu cabno midna ma haysanno, Buskud Carruurihi ku sakaraadeen ayey IOM na siisay, markaa inaannu Ifkii joogno iyo in Aakhiro nalgu wado kala garanmayno ee Illaahay dartii wax hannaloogu qabto ayaannu leenahay.”
Dhinaca kale, Weriyaha oo iskudayey inay Masuuliyiinta Hay’adda IOM wax ka weydiiyaan cabashada ay dadkaas Qaxoontiga ahi ka muujiyeen Hay’addooda oo hore ugu ballan-qaadday inay dadkaa iyadu qaadayso oo ay Gaadiid u keenayso, hase-yeeshee, umay suuragalin inay Saraakiisha gaadhaan, ka dib markii ay Askarta ilaalada ah ee Xafiiskooda gaadhka ka ahi diideen inay gudaha Xafiiska u sii-daayaan. Balse, waxay Weriyayaashu Xalay fiidkii isku dayeen inay khadka taleefanka wax kaga weydiiyaan arrintaas, hase ahaatee, umay suuragalin inay wax wara ka haleen, ka dib markii uu Sarkaal sare oo ka tirsan Saraakiisha Hay’adda dadkaas u qaabbilsani ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo xaaladda dadkaas, waxa keenay inay muddada intaa le’eg u xannibnaadaan iyo waxa ay Hay’ad ahaan ka damacsan yihiin.
Dawladda Somaliland, ayaa bilawgii bishii hore ee sannadkan soo saartay go’aan ay ku shaacisay inay dalka ka baxaan dadka soo-galeetiga ah ee aan sharciga dal ku joogista Somaliland haysan, dadkaas oo boqolkiiba siddeetan Itoobiyaan ahaa ayey Somaliland ku guulaysatay inay intii badnayd dadkaas saartay oo ay gaadiid ku daad-guraysay illaa magaalada Wajaale ee Xadka labada dal u dhexeeyaa maro. Balse dadka hadda cabanaya ayaa ah dad awoodi waayey inay iskood u baxaan intii hore oo qaarkood is-qarinayeen, hase ahaatee, Ciidammada ka soo qabqabteen goobo ay isku qarinayeen, ka dibna ay Hay’adda IOM dammaanad-qaadday in dadkaas lagu wareejiyo oo ay iyadu rari doonto, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay boqol iyo labaatan qoys oo wada Itoobiyaan ah, isla markaana u badan Qoomiyadda Oromada.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Email, info@berberanews.com