Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay Wefti ka socda Dawladda Faransiiska iyo Waxyaabaha ay ka wadahadleen

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan la yeeshay Wefti ka socda dawladda Faransiiska oo socdaal shaqo ku yimi Somaliland maanta, kuwaasoo uu Madaxweynuhu ku qaabbilay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Qasriga oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), War-Saxaafadeedkaas oo lagu faah-faahiyey ujeeddada Weftiga Faransiiska oo uu hoggaaminayey Safiirka dawladdaas u fadhiya Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti, iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen Madaxweynaha, waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Saddex xubnood ka kooban oo ka socda Dawladda Faransiiska oo uu hogaaminaayo Safiirka u fadhiya Dalkaas, Jamhuuriyada Jabuuti, Ambassador Rene Forceville.

Ambassador-ka ayaa ujeedada Socdaalkooda kawaramay waxa uu sheegay in ay tahay sidii loo kobcin lahaa ee kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan ee Somaliland iyo Faransiiska.

Safiirku waxa u sheegay in ay Dawladiisu danaynayso in ay Somaliland ka caawiso dhinaca horumarka iyo kobcinta Ganacsiga Gaarka ah. Madaxweynaha Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Weftiga uga waramay Xaaladda nabad-gelyo ee Dhabta ah ee Somaliland.

Madaxweynuhu waxa u sheegay in Somaliland ku guulaysatay Adkaynta Badda iyo Berigaba haatana ay u xaydan tahay inay ku talaabsato horumar dhan walba leh. Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweyey imaantinka Weftiga Faransiiska waxaanu dawlada Faransiiska iyo Beesha Caalamkaba ka dalbaday in ay Somaliland ku gacan qabtaan Dedaalkeeda ay la timid.

Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo  Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire & Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda Dr. Maxamedrashiid Sheekh Xasan. Dhinaca Weftiga waxa Safiirka kulankan ku wehelinayey Renu Morechaux, Director, Ministery of Defence of France Alexdener Jabet, First Sect, at French Embassy in Djibouti.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.