Hargeysa-(Berberanews.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta soo saaray Wareegto uu ku mabnuucayo iibinta iyo kiraynta dadka shacabka ahi ku hayaan Guryaha iyo Dhulka dawladda.
War-Saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadu galabta, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ka war-helay boob iyo dhac lagu hayo Dhulka iyo Guryaha Dawladda, iyo sidoo kale dhulka danta guud, waxaanu sidaa daraaddeed soo saaray wareegto uu kaga hadlayo arrintaa, isla markaana ku muujinayo cidda awoodda u leh iibinta, bixinta iyo kiraynta Guryaha iyo Dhulka Dawladda. Waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.Markuu Arkay: Qodobka 12aad, Farqadiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Markuu Arkay: Qodobka 2aad, Farqadiisa 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka, Magaalooyinka Jamhuuriyada Somaliland Xeer No. 17/2001 Markuu Ka war helay: In Guryihii Dawlada Boob lagu hayo oo dad kala iibsanayo qaarna ay isku dayeen in ay Mulkiyado u samaystaan Wuxuu soo saaray Go’aankan:-
Guryaha Dawladda, Dhulka Dawlada iyo Dhulka Danta Guud waa hanti qaran, waxaana Awood sharci u leh iibintiisa, Bixintiisa, Kirayntiisa, dawladda dhexe. Waxaana Reeban in cid gaar ah Mulkiyad iyo lahaansho gaar ah loogu sameeyo. Go’aankan waxa uu madaxweynuhu faray Hay’addaha ku shaqada leh inay waajibkooda ka gutaan meel marintiisa.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.