Burco-(Berberanews)-Guddidii dhawaan lagu doortay shirkii Beesha Ciisa Muuse,ee ka dhacay Deegaanka Dubur ayaa Maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco, ka dib markii ay saaka ka soo kicitimeen Magaalada Berbera oo ay shalay Galab soo gaadheen.
Guddidan oo ka kooban 41 xubnood safarkoodana ka soo bilaabay Caasimada Somaliland ee Hargaysa, oo ay ku sugnaayeen, intii shirkii Dan iyo Duco ka danbaysay oo lagu doortay Guddidan ka kooban 41ka xubnood, ayaa waxay kulamo iyo khudbadaba shalay u soo jeedinayeen dadka ku dhaqan deegaanada u dhexeeya Hargaysa ill Berbera ee Shaly ay soo mareen.
Waftiga Guddidani markii ay soo gaadheen Magaalada, Berbera waxaa si diiran u soo dhaweeyay dadwayne iyo Gaadiid farabadan, halkaas oo loo soo galbiyey dhinaca Magaalada Berbera,iyaga oo ugu danbayntiina dadwaynahaas kala hadlay, Guri wayn oo Guddidi ka furteen Magaalada Berbera.
Wafitigan Guddidan oo Saaka xilli hore ka soo kicitimay, Magaalada Berbera una sii jeeday Burco iyo Deeganada ka sokeeya, isla markaana uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Guddida Maxamuud X. Aadan, maadama oo uu xanuun uga hadhay Gudoomiyahii Guddidu, Muuse Xirsi Abokor (Muuse dalab ).
Guddidan oo isigu jira Cuqaal, Ganacsato iyo Qurba joog, ayaa saaka ka anbabaxay Magaalada Berbera iyaga oo sii maray Degmooyinka iyo Tuulooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco sida Geelookor, Laalays, Hudisa, Degmada Sheekh, Dubur, Galoolay, Kalasharka iyo Degmada Qoyta, waxaana Degmo iyo tuulo kastaba Waftiga Guddidu ay khudbado u jeedinayey dadka Deegaanadaa ku dhaqan.
Waftigan oo si diiran loogu soo dhawaynayey goobaha ay marayeen ayaa safarkoodan ku sheegay, wacyi galin iyo u kuur galka xaalada Guud ee deegaanada ay Beesha Ciisa Muuse Degto, iyaga oo dadkaas kulamo xog-waraysi ah, la yeelanayey Dadka Deegaanadaas, waftiga markii ay soo gaadheen abaaro 12:00 duhurnimo Degmada Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay ayaa waxaa halkaa dadkii faraha badnaa kala hadlay Gudoomiye ku xigeenka Guddida Beesha Ciisa Muuse ee lahu doortay shirkii Dan iyo Duco, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ walaalayaal waad ku mahadsantihiin soo dhawaynta qiimaha leh ee aad noo samayseen, meel kasta oo aanu soo marnayna sidaas oo kale ayaa naloo soo dhawaynayey, halkan waxaanu ku maraynaa Guddidii 41ka xubnood ahayd ee aad idinku ku doorateen Shirkii Dubur ee Dan iyo Duco, waxaa inaga maqan oo kaliya Gudoomiyaheenii Muuse Dalab oo yara xanuunsanayey Ilaahay ha caafiyo aynu wada nidhaahno, walaalayaal intii shirkeeni ka danbaysay, waxaanu joognay Hargaysa, maanu kala tegin ee waxaanu ku hawlanayn samaynta Xeerarkii iyo Shuruucdii aanu ku shaqayn lahayn, waanu dhamaysanay, dabadeed waxaanu is nidhi idinka oo aan Dadkii sida fiican idiin doortay ee ina wakiishay aan ku noqon yaynaan kala tegin, qaarbaa wali dharkii ay Dubur kala tageen xidhan, Maanta waxaanu wadnay wacyi galin iyo in aanu idiin mahadnaqno oo xaalada guud ee Deegaanadeena ogaano, safarkaygu Burco ayuu ku dhamaanayaa, 10 casho ka dib Berbera oo aanu gurigii Guddida ka furnay ayaanu isigu imanaynaa,halkaas ayaanu hawlahii aad noo wakiilateen ee horumarka ahaa ka bilaabaynaa hadii Ale yidhaahdo waad mahadsantihiin. “ ayuu yidhi Maxamuud.
Waftigan oo marba marka ka danbaysa Gaadiid iyo Dad badani ku sii kordhayeen ayaa, ayaa abaaro 5:00 galbnimo Gaadhay Degmada Qoyta ee Gobolka Togdheer, halkaas oo ay kala kulmeen soo dhawayn aad u balaadhan, khudbadii ka dib waxay u dhaafeen dhinaca Magaalada Burco iyada oo waftiga ay Gaadiid iyo Dadwayne aad u tiro badani ku soo dhaweeyeen Kaantaroolka Burco, waxaana Guddida iyo waftigii la socdayba loo galbiyey Dhinaca Burco, iyada oo halkaana ay kala kulmay soo dhaway aad u balaadhan, isla markaana lagu soo wareegay qaar ka mida Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Burco.
Gabagabadii waxaa waftiga la dajiyey Huteel Cigaal ee Magaalada Burco iyaga oo halkaana kulamo iyo khudbadaba kula yeeshay Dadkii soo dhaweeyay, iyaga oo ilaa Sabtida halkaa joogi doona isla markaana kulamo la yeelan doona Odayaasha iyo waxgaradka Beesha ee Gobolka Togdheer.
Waa markii u horaysay ee Guddi ay Beesha Ciisa Muuse leedahay sidan oo kale loogu soo dhaweeyo Deeganada ay Beeshu Degto, iyada oo Guddidani aanay ahayn Guddi Siyaasadeed laakin Goob kasta ka cadaynayey in ay wadaan Horumar Bulshadoodu kala qayb gasho.
Khadar Jamac Xaashi
Berberanews, Burco