Kenya iyo Itoobiya oo ku heshiisay inay si wada-jira ula dagaalamayaan Kooxda Al-shabaab

Addis Ababa-(Berberanews)- Dawladaha Kenya iyo Itoobiya, ayaa heshiis ku gaadhay inay si wada-jir ah ula dagaalamaan kooxaha Al-shabaab iyo Al-qaacida ee ku sugan dalka Somalia, si ay uga hortagaan khatar ku iman karta nabadgelyada Geeska.

Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Kenya Mr. Moses Watengula iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ka dib, shir jaraa’id oo ay si wadajira u qabteen waxay kaga dhawaaqeen in labada dal [Kenya iyo Itoobiya] ay wadajir uga hortegayaan kooxaha rabshadaha ka wada Somalia ee Al-shaab oo ay ku sheegeen kuwo khatar ku ah nabadgelyada dalalkooda.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, ayaa sheegay inuu dalkiisu garab-siinayo dagaalada lagaga soo horjeedo kooxaha Somalia rabshadaha ka wada, “Dowladda Itoobiya waxay garab taagan tahay dagaalada lagu cifhib tirayo kooxaha argagixisada ah ee Shabaab iyo Al-Qaacidada Soomaaliya joogta” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo garabkiisa uu taagnaa Mr. Moses Watengula Wasiir arrimo dibadeedka dowladda Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Moses Wategula, ayaa ka hadlay gelitaanka ciidamada dalkiisa ee Somalia, oo uu ku sifeeyay talaabo ay cidhib-tirayaan kooxaha argagixisada ah oo uu sheegay  haddii aanay dowladaha geeska Afrika si wadajir ah uga hortegin dhibaatada argagixisadu saamayn doonto dalalkooda.

Ciidammada dalka Itoobiya, ayaa horaantii sanadkii 2010 gudaha u galay dalka Somalia, halkaasoo ay dagaal la galleen kooxda Al-shabaab oo awoodeedu sarraysay, dagaalkaasoo ay ka qaybgaleen diyaaraha dagaalka Itoobiya muu noqon mid ay guul ka soo hoysay Itoobiya, waxaana kaga dhintay askar tiro badan.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com