“ Qadaafi dilkiisa waa loo baahnaa, waxa uu ahaa nin qadiyada Somaliland ka soo horjeeda oo Madaxweyne Cigaal ku yidhi midooba Soomaaliyada kale aan idin taageeree..”

Tripoli-(Berberanews)- illaa hadda ma cadda goobta iyo hoorta aaska hoggaamiyihii dalka Libiya Col. Mucamar al-qadaafi oo shalay xoogaga mucaaridka ee garabsanaya diyaaradaha dagaalka  NATO si fool xun ugu dilleen magaalada Sirte.

Dilka Col.qaddaafi oo so oaf-jaray xukun 42 sano ah oo uu dalka Liibiya ku hogaaminayay, ka hor intii aan kooxaha ka soo horjeeday xukunkiisu kacdoonka ka bilaabin dalkaas, kuwaasoo taageero milateri iyo farsamo ka helay xoogaga NATO oo duqayn is-daba jooga ku wiiqay awoodii ciidan ee Col. Qadaafi.

Sida diinta Islaamku qabto waxa qofka maydka ah lagu aasayaa muddo 24 saac gudahooda, haseyeeshee waxaan illaa hadda cadayn goorta la aasi doono maydka Hoggaamiyihii Liibiya, inkastoo Golaha-ku=meelgaadhku sheegeen in la duugi doono maanta oo Jimce ahayd, balse lama sheegin goobta lagu aasi doono.

Dhinaca kalena, Wasiirka Ali Tarhouni oo ka mid ah Golaha cusub, ayaa daboolka ka qaaday maanta inay maalmo sii hayn doonaan maydkiisa, si baadhitaanno loogu sameeyo qaabkii dilkiisu u dhacay iyo go’aan ka gaadhista goobta lagu aasi doono

Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horaysay aragtideeda ka bixisay dilka Hoggaamiyihii Liibiya Mucamar Al-qadaafi, “ Qadaafi waa loo baahnaa dilkiisa, waxa uu ahaa  keligii taliye gumaaday dadkiisa, waxa uu ahaa nin qadiyada Somaliland ka soo horjeeda oo Madaxweyne Cigaal ku yidhi midooba Soomaaliyada kale aan idin taageere’e, Cigaal waxa uu ahaa nin  uu ixtiraamayay oo waxba walba kulama dhacayn, waan soo dhaweynaynaa dilkiisa Qadaafi” sidaa waxa yidhi wasiiru dawlaha arrimaha dibeda Somaliland Dr Maxamed –Rashiid Xasan oo maanta u waramay Telefiishanka caalamiga ah ee HORN CABLE TV.

Wasiirul-dawlaha Somaliland ee Arrimaha Debedu waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan xidhiidh dhexmara maamulka ku meel gaadhka Liibiya ee gacanta ku haya xukunka dalkaas.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com