Ciidanka Ammaanka Madaarka Hargeysa oo Xabsiga u taxaabay Siyaasiga Cabdalle Xaaji Cali iyo Tuhunnada Xadhiggiisa

Hargeysa-(Berberanews)- Ciidammada Booliska Somaliland ee Madaarka diyaaradaha Caasimadda Hargeysa, ayaa Xabsiga u taxaabay Siyaasiga reer Somaliland sidoo kalena ah Ganacsade Cabdalla Xaaji Cali Cabdi, ka dib markii uu saaka diyaarad kaga soo degay isla Garoonkaas Cigaal International ee Hargeysa.

Cabdalla Xaaji Cali oo muddo bilo ah dalka dibaddiisa ku maqnaa ayaa saaka markii uu dalka dib ugu soo laabtayba ay Ciidammada ilaalada Madaarku gacanta ku dhigeen, iyada oo aan la sheegin sababta xadhiggiisa keentay.

 

Weriye ka tirsan Shabakadda Berberanews.com oo goob-joog ahaa markii Cabdalle Ciidammadu gacanta ku dhigeen, ayaa isku dayey inuu Siyaasiga la xidhay wax ka weydiiyey sababta xadhiggiisa, hase yeeshee uma suuragelin ka dib markii ay Askartu iska hortaageen Weriyaha inuu wax weydiiyo Siyaasiga ay xidheen.

Qaar ka mida Saraakiisha Ciidammada Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, oo ay Weriyayaashu isku dayeen inay wax ka weydiiyaan arrinta ama sababta Xabsiga loogu taxaabay Cabdalle Xaaji Cali oo dhawr bilood ka hor dalka ku sugnaa, hase ahaatee, Saraakiishu way ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan waxa keenay Xadhigga Siyaasigaas. Waxaana lagu qaaday mid ka mid ah Baabuurta Ciidanka ammaanka ee garoonka diyaaradaha Hargeysa, iyada oo aan illaa hadda la ogeyn meesha ama goobta rasmi ahaan lagu xidhay ama uu ku xidhan yahay Cabdalle.

Cabdalle Xaaji Cali oo ayaa isla saaka ka soo kicitimay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo uu bilihii u dambeeyey ku sugnaa. Cabdalle waxa uu hore uga mid ahaa Siyaasiyiinta reer Somaliland ee aamminsanaa mabda’a midnimada Soomaali-weyn, isla markaana waxa uu Xildhibaan ka noqday Baarlamankii ku-meel-gaadhka ahaa ee dawladdii Impigaati ee Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa.

Hase-yeeshee, dhawr sano ka hor ayuu Cabdalle Xaaji Cali ka soo degay Madaarka diyaaradaha magaalada Berbera ee Somaliland, halkaas oo ay ka qabteen Ciidammada ammaanka Madaarku, isla markaana Xabsiga dhigeen, inkasta oo markii mabda’aa uu ka noqday ay Cafis u fidisay Xukuumaddii Daahir Rayaale, waxaanu markaa ka dib u baydhay oo uu ka dhex muuqday dhinacyada Ganacsiga Somaliland.

Cafiskaa ka dib, Cabdalle Xaaji Cali marar badan ayuu dalka dibaddiisa u dhoofay, isla markaana dib ugu soo laabtay, balse lama garanayo soo noqoshadiisani waxay kaga duwan tahay safarradii hore ee uu kaga bixi jiray, kunai man jiray dalka Somaliland, waxaanu ka mid ahaa Ganacsatada dalka.

Cabdalle Xaaji Cali, waxa uu hore Maayar uga soo noqday magaalo-madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, waxaanu sannadkii iyo badhkii u dambeeyey si dadban iyo si muuqataba ugu ololayn jiray in Ganacsiga Isgaadhsiinta Somaliland, gaar ahaan Isgaadhsiinta dhinaca Badda la hoos mariyo dawladdu ka dhigto Xor oo aan cid gaar ah Kooto loogu xidhin, inkasta oo aanu ololahaa ku guulaysan oo ay Xukuumadda Siilaanyo kooto ku bixisay Isgaadhsiinta Kaybalka Biyaha Badda la hoos-mariyo.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay Xadhigga Cabdalle Xaaji Cali, hase-yeeshee, waxa kaliya ee loo malayn karo ayaa ah in arrin siyaasadeed oo Soomaaliya dhinaceeda la xidhiidha loo xidhay iyo in arrintaa u ololaynta Isgaadhsiinta Badda in xor laga dhigo oo ay Xukuumaddu si weyn uga soo horjeedday dadka qaba fikirka in Xor laga dhigo Ganacsiga Isgaadhsiinta Badda.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.