Hargeysa-(Berberanews)- Hay’adda Ilaalinta Tayada Agabka iyo Cuntooyinka ee Somaliland ayaa 18-kii bishan October ee 2011-ka, gubtay 150 Tan oo Sharaab dhacay ah, isla markaana sheegtay inay jiraan sharaab kale oo intaas ka badan oo ay qorshaynayaan inay dhawaan Gubaan, iyadoo Sharaabkan dhacay ee la gubay uu ay dalka soo gelisay Shirkadda Oomaar.
Hase-yeeshee, waxay isweydiintu tahay Shaqadani ma tahay tii Hay’adda ilaalinta Tayada? Mise waa shaqadii Waaxda ama qaybta dawladda hoose u qaabbilsan Nadaafadda iyo ilaalinta Caafimaadka ee loo yaqaanno (Hygene)? Haddii aynu jawaabta su’aalahaas oo kooban ku soo dhawaanno nuxur ahaa waxay noqonaysaa jawaabtu maaha Shaqadaasi tii waajib ahaan ay u xilsaarnayd Hay’adda Tayadu ee waa shaqadii dawladda hoose, gaar ahaan qaybta ilaalinta Nadaafadda iyo Caafimaadka.
Cilmi ahaan haddii aynu u eegno oo soo qaadanno warbixin uu diyaariyey Prof: Cabdi Xuseen Maraykan {flosy} oo ah Aqoonyahan reer Somaliland ah oo Khibrad sare u leh Hay’adaha noocan oo kale ah ee dunida iyo siday u shaqeeyaan. “Waxaan iftiimin doonaa macluumaad ku saabsan shaqada hay’addan Tayada looga baahan yahay iyo qiimaha ay nolosheenna ugu fadhido, Hay’addan oo dalalka aduunka badankooda ka shaqaysa waxaa uu magaceeda saxda ahi noqonayaa.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Cabdi Xuseen.
Aqoonyahan Cabdi Xuseen Maraykan, waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Hay’adda ilaalinta macaamiisha,( consumer protection) حماية المستهلك) Hay’addani waxay la maqaam tahay ciidanka nabad sugidda qaranka, haddii ciidanku u xilsaaran yahay ilaalinta cadawga wax u gaysan kara dadwaynaha waxay hay’addani ka ilaalisaa dadwaynaha dilaaga qarsoon sida alaabta xan baarsan caafimaad-darro, qish iyo khiyaamo, alaabta oo wixii lagu sheegay aan ahayn. Waxaa sharciyan ah in cidda alaabta iibinaysa looga baahan yahay inay si cad ugu muujiyaan, kuna qeexaan weelka alaabtu ku jirto haddii ay tahay kiish, kartoon ama caagad in lagu qoro macluumaadkan soo socda…”
Waxay erayo-cilmiyeedyadaasi khabiirku innoo muujinayaan, isla markaana tusaale fiican innaga siin karaan Hay’adda Illaainta Tayada Somaliland, waajib ahaan waxa looga baahan yahay ee ay shaqadeedu tahay iyo aqoon la’aanta Masuuliyiinta hoggaamiya ama loo magacaabay Hay’addaas iyo sida aanay u kala saari karin waajibaadkooda shaqo iyo ta dawladda hoose u xil-saaran tahay. Taasina waa fadeexad dul-hoganaysa Hay’adda ilaalinta Tayada Agabka iyo Cuntooyinka Somaliland iyo Masuuliyiinteeda. Waxaanay dad badani qabaan aragti ahaan inay Masuuliyiinta Hay’addaasi ku fashilmeen Shaqadii ay Waajib ahaan ahayd inay bulshada u qabtaan, taasoo guud ahaanba Qaranka ku ah fashilaad iyo fadeexad.
Waxaynu odhan karnaa amaba ay tahay waajib ahaan inay Hay’adda Tayadu la socoto, isla markaana ay kaantarroosho Badeecadaha kala duwan ee dalka ka soo galaya Marinnada kala duwan, sida Dekadaha, Garoonnada diyaaradaha iyo Kaantarroollada Xadadka ay Somaliland la wadaagto dalalka deriska ah ee ay Badeecadaha qaar ka soo galaan.
Waajibaadka koobaad ee Hay’adda ilaalinta Tayada looga baahan yahay waa inay waxyaabaha Marinnadaa aynu kor ku xusnay dalka ka soo galaya hubiso, tayo ahaan, caafimaad ahaan, wakhti ahaan xilliga la curiyey ama la soo saaray iyo wakhtiga ay dhacayaan ama aan la isticmaali Karin, ka dibna marka ay hubiyaan ay Waajibkooda ka gutaan haddii ay waxyaabahaasi sax yihiin iyo haddii ay xun yihiinba.
Laakiin, maaha inay Sharaab Dukaan ama Bakhaar laga soo guray oo kuddaafad lagu gubayo isku sawiraan oo ay iska dhigaan niman waajibkoodii shaqo sharci ahaan gutay ama gudanaya ee arrimaha noocaas ah waa inay dawladda hoose furaha uga qaadaan, iyaga oo dusha kala socon kara sida ay dawladda hoose Waaxda hawshaa u qaabbilsani u shaqaynayso ama ay waajibaadkeeda shaqo u gudanayso.
Waxay qorayaasha Shabakadda wararka ee Berberanews Akhristayaashooda u soo gudbin doonaan qormooyin kale oo taxane noqon doono, isla markaana ay ku qaadaa-dhigi doonaan qaladaadka iyo gal-daloolooyinka ka muuqda Hay’adda ilaalinta Tayada Agabka iyo Cuntooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba sidoo kale sixitaan la xidhiidha waxyaabaha la gudboon ee looga baahan yahay waajib ahaan iyo sida ay Hay’adaha nooceeda ah ee dunidu u shaqeeyaan macno ahaanna ay u taagan yihiin iyo sida ay bulshada ugu adeegaan.
Kala Soco Berberanews.com qaybaha kale ee qormooyinkaa taxanaha noqon doona, oo bulshadu ama Akhristayaashu ka faa’iidi doonaan wax badan aqoon ahaan iyo sharci ahaanba. Waxaanay Qorayaasha Berberanews ka cudur-daaranayaan inaanay ujeeddada bandhiggani ahayn mid cid gaar ah lagu durayo ama lagu waxyeellaynayo, ee ujeeddadu kaliya waa inay jirto maamul-daaddejin iyo kala lahaanshaha shaqo ee Hay’adaha kala duwan ee dawladda oo aan iyaga laftoodu kala maarmi karin ee isku tiirsan, hase ahaatee ay tahay shaqooyinka ay qabanayaan inay kala xadaysnaadaan.
La Soco qaybta Labaad
Qorayaasha Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Email, info@berberanews.com