Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa galabta ka hadashay sababaha loo xidhay Siyaasiga reer Somaliland ee Cabdalle Xaaji Cali, oo maanta gelinkii hore ay Ciidammada Ammaanka ee madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ay Xabsiga dhigeen.
Sidoo kale Siyaasiga Cabdalla Xaaji Cali ayaa isaguna dhiniciisa faahfaahin ka bixiyey sababaha xadhiggiisa keenay. “Waa arrin siyaasi ah oo aniga si gaara laygu haysto. Waraysiyo badan oo koonfurta Soomaaliya oo xaaladda Soomaaliya ah oo aan bixiyey ayaa jira oo aan kaga hadlay sidii ay Soomaaliya iyo Somaliland arrinta gooni-isu-taagga uga wadahadli lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Cabdalla Xaaji Cali oo galabta u warramay Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda VOA.
Cabdalle oo la weydiiyey inuu hore Xildhibaan uga ahaa Baarlamanka Soomaaliya oo arrintaas lala xidhiidhinayo, waxa uu ku jawaabay; “Hadda Xubin kama ihi Baarlamanka Soomaaliya, sannad iyo lix billood baan joogay Somaliland.”
Mar Cabdalle la weydiiyey cidda uu dhinaca Somaliland uu kala xidhiidhay arrintaa wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Xildhibaanno, Odayaal iyo siyaasiyiin-ba waan kala xidhiidhay. Waa laga yaaba inay qalad iga fahmaan, waxaan tilmaan ka dhigtay in waddadii Koonfurta Sudan oo kale in loo maro ictiraafka Somaliland, maaha mid aan leeyahay Somaliweyn hallagu noqdo, waayo taas anigu Shaqsi baan ka ahay oo go’aankeeda ma yeelan karo.”
Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Xusee Cige (Balaaki), oo Idaacaddu wax ka weydiisay xadhigga Cabdalle Xaaji Cali, waxa uu ku jawaabay oo yidhi Agaasimuhu; “Wuu jiraa, saaka ayaa la xidhay, waxa loo haystaa dembiyo isaga khuseeya, baadhis baa ku socota dembiyada loo haysto.”
“Cabdalle Cafis bay dawladda Somaliland hore ugu fidisay, markaa dhinicii kale (Soomaaliya) ayuu ku noqday. Looma xidhin wax la xidhiidha markii hore, arrimmo qaddiyadda Somaliland ah baa loo xidhiidhay, markay baadhistu dhammaato waa la soo bandhigayaa ee hays difaaco.” Sidaa ayuu ku jawaabay Agaasimaha Arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi-Balaaki.
Sidoo kale, mar uu Agaasimuhu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in Cabdallaa Xaaji Cali ay diyaarad la wada socdeen Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-yare) oo tan iyo markii Somaliland lagu dhawaaqay ka soo horjeeday gooni-isu-taagga Somaliland, kaasoo aan isaga la xidhin ee si fiican loogu soo dhaweeyey gudaha Caasimadda Hargeysa, halka Cabdalle-na ay Ciidanka Ammaanka Madaarku Xabsiga dhigeen, waxa uu yidhi Agaasimuhu;
“Wax uu galabsaday ma jirto Jaamac-yare, cafis Madaxweyne ayaa loo fidiayay, markuu qaddiyaddii ka noqdayna dalka wuu yimi, haddaanu Madaxweynaha cafis soo weydiisanna tallaabo ayaa laga qaadi lahaa oo sharci baa ka yaalla qof kasta oo u dhashay oo ka soo horjeesta qaddiyadda Somaliland ama ka qaybgala Shirar ka dhan ah Somaliland oo Soomaali-weyn.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Xuseen Cige (Cabdillaahi-Balaaki).
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.