Muqdisho-(Berberanews)- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho loogu qaybiyay sharci cusub oo la rabo in loo Curiyo qaabka loola dhaqmayo Budhcad-Badeedda.
Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya, ayaa kasoo horjeesteen ka doodista Xeerkaas, isla markaana ay dalbadeen in Baarlamaanka la horkeeno heshiiskii tubta nabadda (Roadmap) ee kasoo baxay shirkii lagu qabtay Muqdisho.
Kulankaas maanta oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ka qaybgalay 335 xildhibaan, waxaana markiiba loo qaybiyay sharciga lagu dhaqayo Budhcad-badeedda Soomaalida.
“Sharcigani waa inay Xildhibaannadu soo akhristaan waxaana laga doodi doonaa maalinta Salaasada soo socota ee toddobaadkan.” Sidaa ayuu yidhi Shariif Xasan, isagoo sheegay in ajnadayaal fara badan ay horyaallaan kuwaasoo u baahan in laga doodo.
Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo kulanka ka hadlya ayaa sheegay in loo baahnaa in lasoo gudbiyo heshiiskii tubta nabadda ee lagu gaadhay Muqdisho, isagoo sheegay inaan loo baahnay in si gaar ah looga hadlo sharciga Budhcad-badeedda, iyadoo hore looga tanaasulay ka hadalka arrimaha Badda.
“Budhcadbadeedku wuxuu la mid yahay Budhcad barriga, ma ahan in si gaar ah looga hadlo, waxaa ka habboonaan lahayd in lasoo gudbiyo Roadmap-ka,” ayuu yidhi Md. Cabdi Cabdullaahi Xaashi.
Afhayeenka baarlamaanka oo hadalka qaatay ayaa sheegay inay iyaga la noqotay in laga doodo sharciga budhcadbadeedda lagu dhaqayo, isagoo sheegay inaanay kasoo horjeedin la horkeeno baarlamaanka heshiiskii tubta nabadda ee lagu gaaray Muqdsiho.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.