Boqolaal Qof oo ku dhintay dhul gariir saacado ka hor ku dhuftay dalka Turkiga

Istanbul, (Berberanews.com/AP):- Inta la hubo ilaa 5-boqol oo qof ayaa ku geeriyooday, Dhul gariir xoogan oo heerkiisa lagu qiyaasay 7,3 qiyaasta righter-ka oo galabta ku dhuftay dhinaca bari ee dalkaas, gaar ahaan degaanada ku teedsan xadka wadankaasi la wadaago dalka Iiiraan.
 
Goobta dhul gariirkan xuduntiisu ahayd oo ah, deegaanka degmada lagu magacaabo, FAAN ee bariga dalka Turkiga ku taal, gaar ahaan, xadka dalkaasi la wadaago wadanka Iiraan, ayaa la arkayay burburka guryaha, sidoo kale waxa jiray dad badan oo gaadiidka gurmadku la cararayaan kuwaas oo la aaminsan yahay inay yihiin dad la soo samata bixiyay.

Maamulayaasha xarumaha sahaminta jawiga iyo heerka cimilada ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in qiyaasta dhul gariirkaasi ahayd 7.3 (Todoba dhibic sadex) oo ah qiyaasta Rigtarka ee lagu cabiro dhul gariirka. Waxaanu gaystay dhimasho badan, hasa yeeshee kooxaha gurmadka ee dalkaasi ayaa ilaa imika ku hawlan, sidii dadka ku hoos jira burburka guryaha ay uga soo saari lahaayeen, una gaadhsiin lahaayeen dawooyin iyo taakulayn.
 
 
Dhul gariirkan oo mar dhawayd dhacay ilaa wali lama oga ama lama hayo heerka khasaaruhu gaadhsiisan yahay, inkastoo la filayo dhimasho badan, marka loo eego sida uu dhul gariirkaasi u xooga badnaa, taas oo la aaminsan yahay in ku dhow ilaa shan boqol oo qof ay ku dhinteen.  
 
Dalka Turkiga waxa ka dhaca dhul gariiro badan, waxaana taa ugu wacan sida kooxaha joolajiyiinta dhulku sheegaan goobta uu dalkaasi ku yaala oo ku taala xudun dhul gariir oo had iyo jeer fir fircoon, waxaan sanad walba dalalka Iiraan, Turkiga, Baakistaan, Afghanistan iyo degaano ku dhow dhow ka dhaca dhulgariiro galaafta nolosha malaayiin qof oo ku nool dalalkaas.
 
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Berberanews.com
Email: daralla066@gmail.com