Golaha Wakiilada oo Gudo galay Wax ka Bedelka Xeerka Dhalinyarada Ka Hor Istaagaya Inay Ka Qay-qaataan Talada Dalka

Hargeysa-(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Maanta loo qeybiyay mooshin ku saabsan in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka doorashada Goleyaasha deegaanka ee Xeer No: 20, si meesha looga saaro qodobada dhalinyarada ka horjoogsanaya inay ka qeyb galaan talada dalka.

Fadhigan oo uu Shirguddoominayay Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CairrP), waxaana loo qeybiyay nuqulada  qoraal ka hadlaya qodobada la doonayo in wax laga bedelo waxaana Goluhu u balamay in fadhigooda bari ay gudo galaan wax ka bedelkan.

Qoraalkii soo jeedinta wax ka bedelka xeer No 20 waxa uu u dhignaa sidan:-

“Anaga oo ka duulayna xaqa dastuuriga ah ee ay dhallinyaradu u leedahay in ay ka qayb qaataan hogaaminta iyo talada dalka, isla markaana xoojinayna inay muwaadinka iyo musharaxuba ay u helaan si cadaalada oo aan musuq iyo mad-madowtoona ku jirin.

Haddaba, anaga oo ah mudanayaasha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaanu halkan ku soo jeedinaynaa wax ka beddelka Xeer No: 20/2002, gaar ahaan qoddo badan hoos ku qoran:

Qoddobka 22aad  oo ah habka doorashada Golayaasha Deegaanka.

Qoddobkan oo ahaa habka liistada waxaanu  soo jeedinaynaa in loo beddelo sidan:

Xisbiga/ Uur kasta oo doonaya in uu ka qayb galo doorashada Golayaasha Deegaan, waa in uu komishinka Qaranka u gudbiyo liiska musharaxiinta uu u xulay inay uga tartamaan doorashada oo degmaysan,  kaas oo ku salaysan tirada kuraasida Degmo kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah, waana in Komishinku siiyaa musharax kasta astaan u gaar ah.

Kuraasta Degmo doorasho, waxaa axsaabta/ururadu ku kala helayaan habka saami qaybsiga  (Proportional representation system) ee kuraasida iyo codadka xisbi/urur kasta ka helo Degmadaas, iyadoo uu xisbiga/ururkuna ay musharaxiintiisu ku kala guulaysanayaan sida ay u kala cod badan yihiin.

Musharaxiinta ku guulaysan waaya doorashada Deegaanka waxay noqonayaan kayd, iyadoo loo kala qaadanayo sida ay u kala cod badan yihiin, marka  xubin ama xubno ka mid ah Golaha Deegaanku uu baneeyo xilka.

Qoddobka 33aad oo ah shuruudaha musharaxiinta Golayaasha Deegaanka;

Qoddobkan 33aad farqadiisa 4aad oo ahaa qaofka isu taagaya doorashada Golayaasha Deegaanka waa in aanu/aanay da’diisu/dadeedu ka yaraan 35 jir sanadka doorashada. Qoddobkan waxaanu soo jeedinaynaa in lagu beddelo sidan:

Qofka isu taagaya doorashada golayaasha deegaanka waa in aanay da’diisu/ dadeedku ka yaraan 25 jir sanadka doorashada”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com