Jaaliyadda Reer Jabuuti ee ku dhaqan Hargeysa oo shahado-sharafyo ku maamuusay Wasiirrada Madaxtooyada iyo Waxbarashada Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)- Jaaliyadda reer Jabuuti ee ku dhaqan Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, ayaa Shahaado-sharafyo guddoonsiiyey Wasiirrada Madaxtooyada iyo Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaasoo ay sheegeen inay Shahaadooyinkaa ku mutaysteen sidii ay ugu gurmadeen Dad iyo Baabuur Jabuuti ku socday oo Daad ku qaaday Dooxa Agabbar.

Munaasibad ay Jaaliyadda reer Jabuute ee ku dhaqan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ay maanta gelinkii hore ku qabteen Huteel Summer Time ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Salaaddiin, Dhalinyaro iyo Haween reer Hargeysa ah. Waxaana hadallo kala duwan Xafladdaa ka jeediyey qaar ka mida Salaaddiinta iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda.

Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Jabuuti ee Hargeysa deggan Siciid Doobiro oo ugu horreyn kulankaa ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiye Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda. “Anigoo ku hadlaya Magaca Jaaliyadda reer Jabuuti ee ku dhaqan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaan u mahad-naqayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, Golihiisa Wasiirrada,” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Jabuuti ee Hargeysa.

Siciid Doobiro oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Gaar ahaan Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo aan uga mahad-naqayo Gurmadkii ay ka galeen Masiibadii ka dhacday Dooxa Agabbar ee ay ku badbaadiyeen Dadkii ku dhaawacmay labadii Baabuur ee Daadku halkaa ku qaaday dadkii saarnaa, Maydadkii dadka iyo Gaadiidkii Dooxa ku rogmaday, taas ayaanay ku mutaysteen labada Wasiir ee Waxbarashada iyo Madaxtooyadu Shahaadooyin-sharafkan aannu maanta Jaaliyad ahaan guddoonsiinayno.”

Suldaan Jaamac Cismaan Aadan iyo Suldaan Xiis Barre Yuusuf, oo iyaguna munaasibaddaa ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Masuulka waajibka xilka uu u madda u hayo guta la maamuuso, isla markaana lagu abaal-mariyo sida fiican ee uu u gutay ama u gudanayo waajibaadka shaqo ee uu Bulshada u hayo, sidaa daraaddeedna waxay si weyn ugu mahad-celiyeen Illaahay oo ay sheegeen inuu Wasiirradaa waafajiyey gudashada Waajibaadka ay ugu gurmadeen Dadka iyo Baabuurta Daadku ku qaaday Dooxa Agabbar.

Salaaddiintu waxay sheegeen inay iyagu mar walban ku dedaalayaan sidii nabadgalyada iyo xidhiidhka labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland ka dhaxeeya loo adkayn lahaa, waxaanay Shacabka reer Somaliland iyo reer Jabuuti-ba ay ugu baaqeen inay si hagar la’aan ah uga wada qaybqaataan dhismaha Waddada Dawga-cad ee jidka isku xidha Caasimadaha Jabuuti iyo Hargeysa.

Masuuliyiinta Shahaadooyin-sharafka lagu maamuusay ayaan iyagu Xafladdaas ka soo xaadirin oo la sheegay inay hawlo shaqo awgood u iman kari waayeen halkaas, hase ahaatee, waxa labada Wasiir Shahaadooyinka u guddoomay afar Suldaan oo Munaasibaddaa lagu soo casuumay, kuwaasoo Jaaliyadda reer Jabuuti ee Somaliland ku dhaqan uga mahad-celiyey Shahaadooyinka ay ku maamuuseen Wasiirrada Madaxtooyada iyo Waxbarashada Somaliland.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.