Ku soo Noqda Luuqada siyaasada iyo afka masuulku ku hadlo…”War-saxaafadeed ka soo baxay UCID

 “Waxay ummada somaliland u halgamaysay kuna hadaaqaysay in uu dhaco isbadal siyaasadeed Oo lagu hogaamiyo balse waxaa nasiib daro ah isbadalkii in uu noqday caytan labada habeenimo warbaahint lala soo fadhiisto oo ka fog luuqada siyaasiga ah ama masuuliyada uu leeyahay masuul qaran taas oo imika maraysa ilaa wasiirada in loo soo dhiibo caytanka .

Hadaba waxaynu wada arkaynay hadaladii ka soo yeedhay Dr:Abdi Awdaahir wasiirka xanaanada xoolaha iyo ereyad uu kaga haldayey warbaahinta wax uu hore udubtuu caayey ku sheegay isagoo xoghayaha guud ee udub ahaa Nabi in uu yahay gudoomiyaha UDUD oo markaas ahaa madaxwaynahii talada hayey ee Daahir Riyaale Kaahin.

Anigoo markaa ahaa xogahayahii Abaabulka  ee  arimaha bulshada ee xisbigii ASAD waxa uu nagu sheegay in aanu gaalownay.

Hadaba Abdi Awdaahir oo ku sheegaya Gudoomiyha UCID Eng faysal Ali waraabe Maalinle  waa ninka luuqadaa aan sheegay ku hadlayey markaa waxa Cad in uu isagu is tilmaamayey

Nasiib darada umada somailand haysata ee ay ku khasaareen codkii ay ku soo saareen xukumada aad hada ka tirsan tahay  waa ta hanaankaa aad u hadlayso leh  madaxwaynahu  saqdii dhexe wuxuu ku hadlay umadu way ogayd.

Waxaa jirtay in aad ka caban jirteen waxyaalo badan oo ay ka mid ahayd dad ayaa la laynayaa aan waxba ka jirin imikana hadalkii mucaaridku yidhaaba hanjabaad ayaad iska hida raacdeen hadaa tahiin bahdina xukumadu sidiinii oo kale ayaa gacmaha la isa soo qabsan doona oo ka soo baxa la idin odhan doona bal markaas talaabada aad qaadaan waa loo wada joogi.

Xisbiyada mucaaridku waxaay ka hadleen baylahada dalka muuqata oo ah

1:maamuul xumo talada dalka qastay oo ay ka marag kacayso xeer No:14/2011 ee gudoomiyha wakiiladu shalay badalay qodobadii khusaynayey shaadh leegna uu ka samaystay  markaanu ku soo oognay in uu sharci daro golaha iyo gudoonkaba ku fadhiyo isagoo iska casilay.

2:Musuqmaasuqa baahay

3:Qabyaalada aan gabasho lahayn

4:Eex iyo Cadaalada Darro

Jawaab markaad u wayday qodobadaas warsaxaafadeedkayagu  ku suubsanaa waxaad u leexaty caytan  iyo aflagaado shaqsi sida madaxwaynahuba saqda dhexe waxaan looo fadhiyin warbaainta uga sii daayey.

Nabad galayo darada aad tilmaamtay meel ay kaga jirtay warsaxaafadeedkii ay  xisbiyada mucaaridku qabteen ma jirto waxaanu xisbiga UCID ku caan baxay xaalad kasta oo aad murgisaan markaad mucaaridka ahaydeen in uu xisbigu saxo xaaladana caadi ku soo celiyo

Umada reer somalilandna waa ka markhaati arinkaa

Idinku hadaad mucaarid ahaydeen iyo  hadaad kursigii imika ku fadhidaan caydiina iyo hanjabaadiinu kaba xun tii hore

Waxaaanu wali qadarinaynaa masuuliyadu waxa ay tahay caytamina mayno saqdhexe iyo hadhcad midnaba.

Kusoo Noqda ,Kusoo Noqda ,Kusoo Noqda  Luuqada siyaasada iyo afka masuulku ku hadlo..

Afhayeenka Xisbiga UCID

Mohamed Hassan Khaire