Nairobi-(Berberanews)- Safaaradda Mareykanka ee ku taal magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, ayaa ka digtay wax ay ku tilmaantay halis weerarro ku soo fool leh Kenya, oo ay suurtagal tahay in lagu qaado dadka Ajnabiga ah ee waddankaa ku sugan.
Hadalkan digniinta ah ayaa soo baxay toddobaad kadib markii ciidammada militeriga Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya, iyaga oo sheegay inay wadaan hawlgal ay kula dagaallamayaan Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya.
Safaaradda Mareykanku waxay sheegtay inay suurtagal tahay in weerarro aargoosi ah lala bartilmaameedsan karo meelaha muhiimka ah ee Kenya iyo goobaha dadka ajnabiga ah lagu yaqaan inay isugu yimaadaan, sida Dukaamada waaweyn iyo meelaha lagu caweeyo ee dalka Kenya, sida lagu baahiyey BBC-da.
Hawlgalka Millateri ee Kenya ayaa waxa uu ka danbeeyay markii dhawr qof laga afduubay gudaha Kenya, kuwaasi oo dawladda Kenaya Afduubkooda ay ku eedeeysay kooxda Al-Shabaab. Hase-yeeshee, Al-Shabaab waa ay beennisay inay wax lug ah ku leedahay afduubka dadkaasi ajnabiga ah.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.