Siyaasiga Jaamac-yare oo muddo dheer aamisanaa Somaliweyn oo Cafis Madaxweyne ku yimi Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)- Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib oo mudo dheer aaminsanaa mabda’a Soomaaliweyn, ayaa soo caga-dhigtay Madaarka caasimadda Hargeysa, ka dib markii sida uu sheegay uu ka noqday mabda’aas, cafisna soo weydiistay Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo oo ka aqbalay.

Siyaasiga Jaamac Maxamed  Qaalib oo tan iyo 1994-kii ku maqnaa shirarka loo qabanayay kooxaha Soomaaliya, waxa uu sanadkii  2003 uu socdaal gaaban ku yimi Somaliland, balse  xukuumaddii xiligaa ee Daahir Rayaale, ayaa xabsiga u taxaabtay, isla markaana masaafurisay. Kadib markii rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac kadhasheen.

 

Afhayeenka Madaxtooyada  Somaliland Cabdilllaahi Daahir Cukuse ayaa BBC-da u sheegay in siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib ku yimi dalka cafis uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u fidiyay, isla markaana uu ka noqday fekerkii  siyaasadeed ee hore u aaminsanaa. Sidaa awgeed uu kusoo laabtay dalkiisa.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com