Dhallinyaradda Somaliland oo loo ogolaaday ka-qaybgalka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka

Hargeysa-(Berberanews)- Dhallinyaradda Reer Somaliland, ayaa markii u horraysay fursad u helaya inay isu soo taagaan tartanka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, ka dib markii Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ansixiyeen wax-ka-bedel ay ku sammeeyeen Xeerka Doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyadda Xeer lr. 20.

Dooda wax-ka-bedelka Xeerkan oo doodiisu shalay ka bilaabantay golaha, ayaa u ogolaanaya dhallinyaradda da’doodu 25 jir tahay inay isu soo sharaxi karaan tartanka Goleyaasha Deegaanka, halka markii hore uu Xeerku dhigayay in da’da ugu hoosaysa ee isu soo taagi karta tartankai tahay 35 jir iyo habkii doorashooyinka ee liiska ahaa oo loo bedelay mid toos ah oo xildhibaannadu ku soo kala bixi doonaan sida ay u kala cod badanyihiin (One man One vote).

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa fadhigii maanta mudanayaasha kala dooransiiyay in cod loo qaado soo-jeedinta wax-ka-bedelka Xeerka oo ay Golaha soo hordhigeen 9 xildhibaan iyo in laga doodo, ka dibna cod loo qaado, waxaanay mudanayaashu in cod loo qaado soo-jeedintii wax-ka-bedelka Xeerka ee ahayd in dhallinyaradda da’doodu 25 jirka tahay fursad loo siiyo ka-qaybgalka Doorashooyinka deegaanka.

35 mudane oo ka mid ah 42 xildhibaan oo ku sugnaa madasha Hoolka, ayaa ogolaaday in dhallinyaradda da’doodu 25jirka gaadhay isu soo sharaxi karaan goleyaasha deegaanka, 5 xildhibaana way diideen, Guddoomiyuhuna muu codayn, waxaana sidaa ku ansaxay soo-jeedintii wax-ka-bedelka Xeerkan ee dhallinyaradda fursada u siinaya inay ka qaybgalaan doorashooyinka.

Da’yarta reer Somaliland, ayaa si weyn u soo dhaweeyay xayiyaaradda laga qaaday ee loogu ogolaaday ka qaybgalka doorashada deegaanada oo dhaliyaro badan fursad u siin doonta.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com