Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Dhagax-dhigay Dhisme Cusub oo loo Dhisayo Ciidanka Socdaalka



Hargeysa-(Berberanews)- Wasiir Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maanta dhagax-dhigay dhisme cusub oo loo dhisayo laanta socdaalka ee ciidanka booliska.
Wasiir Duur oo ay wehelinayeen Taliyaha ciidanka socdaalka iyo Agaasimaha Wasaaradda Daakhiliga, waxa uu dhagax-dhigay goobtii dhismihii hore ee laanta socdaalka oo la dumiyey oo loogu talogalay in laga dhiso guri dabaq ah oo lacagtiisa ay bixisay dawladda Japan, isla markaana lagu soo hagaajiyey hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.
Taliyaha Laanta Socdaalka Dayib Cusmaan Caalin oo ka hor dhagax-dhigga oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in dhismahani noqon doono mid casri ah oo ay baahi weyn u qabtay laanta socdaalku, isla markaana waxa uu u mahadnaqay dawladda Japan iyo hay’adda IOM.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa isaguna sheegay in dhismaha xarunta laanta socdaalku hordhac u tahay dhismayaal horumarineed oo Wasaaradda Daakhiliga iyo hay’adaha hoos yimaada loo dhisi doono.
“Waanu dhagax-dhigi karaynay iyadoo dhisan xaruntu laakiin waxaannu jeclaysanay in maadaama oo wakhyiyo badan ay ina soo daashadeen dhagax meel la dhigo oo aan la dhisin in aanu soo bandhigno oo aanu dadka iyo saxaafada tusno, markaa waxa aad aragtaan iyadoo xaruntii ciidankii laanta socdaalka laga raray oo dhismihii dhulka la dhigay,” ayuu yidhi Wasiir Duur.
Wasiirka Daakhiligu waxa uu u mahadnaqay hay’adda IOM iyo dawlada Japan oo uu sheegay in deeqda ay bixisay lagu dhisi doono dhismayaal cusub, waxaannu yidhi, “Dhismahani wuxuu kow ka yahay ilaa afar dhisme oo dhammaan xarumaha laamaha kala duwan iyo xarunta wasaaradaba lagu dhisi doona intaanu sannadkani dhamaan insha allah. Waxa kale oo qorshaha noogu jirta in dib u qaabayn lagu sameeyo qaabka shaqada.”
“Ciidanka laanta socdaalku waxay ku jiraan guri kiro ah, kaas oo kiradiisu aanay miisaaniyadda noogu jirin ee waxaannu culayskaa isku saarnay in hawshu si fiican u fusho shaqadii ay ciidankani qaranka u hayeena aanay u istaagin,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu.