Nairobi-(Berberanews)- Weerar bam-gacmeed ah, ayaa xalay lagu weeraray goob lagu caweeyo oo ku taalla badhtamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay ku dhaawacmeen 13-qof sida ay sheegeen Booliiska Kenya.
Dad goob-joogayaal ah oo warbaahinta Kenya soo xigatay ayaa sheegay in weerarku uu dhacay saqdii dhexe ee xalay, iyadoo ninkii Bamka ku tuuray goobta uu si dhaqso ah uga baxay halkaas.
“Waxay ahayd Bam-gacmeed. ma jiro cid ku dhimatay,” ayuu yidhi Taliyaha Booliiska badhtamaha Nairobi Eric Mugambi oo la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in 13-qof oo ka mid ahaa 40 qof oo goobtaas ku sugnaa ay ku dhaawacmeen weerarka. Waxaana ka mid ahaa hadalkiisii oo uu yidhi Taliyuhu; “Dhaawacyada dadku waxay u badan yihiin kuwo ka gaadhay lugaha, gacmaha iyo wejiga, shan ka mid ahna dhaawacyo halis ah ayay qabaan.”
Kooxda Al-shabaab ayaa ku hanjabtay toddobaadkii hore inay weerarro aargudasho ah la beegsanayso dalka Kenya, taasoo ay sheegtay inay kaga jawaabayso ciidamada Kenya ee kasoo talllaabay soohdinta Koonfureed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.
“Qarax weyn ayaa dhacay, goobta uu dhanna mugdi ayay noqotay, waxaan arkay dad badan oo dhiig ka da’ayo, anigana waxaan ka dhaawacmay lugaha iyo gacmaha, waxaana goobta naga soo qaaday gaadhi kuwa gargaarka ah.” Sidaa waxa yidhi Jacob Musembi oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa goobtaas lagu caweeyo ee Bamka lagu tuuray.
“Aad ayaan ugu baqay nafteyda, maxaa yeelay ma ogeyn cidda la beegsan doono qaraxa kaddib.” ayuu hadalkiisa ku daray Musembi oo xilligaas yaallay mid ka mid ah Sariiraha Cisbitaalka guud ee Kenyata ee magaalada Nairobi isagoo si xun uga dhaawacan wejiga.
Dhaqaatiirta Cisbitaalka Kenyata ayaa sheegay inay daweeyeen 13-qof oo dhaawacyo kala duwan qabay, kuwaasoo qaarkood ay si xun u dhaawacnaayeen, iyadoo intooda badan ay qabeen dhaawacyo madaxa ah.
Weerarkani wuxuu imaanayaa iyadoo Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi soo saartay digniin maalin ka hor wakhtiga goobtaa la weeraray, isla markaana waxay Safaaraddu ka digtay weerarro argagixiso oo lala beegsado dadka Ajnabiga ah ee dalkaas ku sugan, meelaha lagu caweeyo iyo Dukaamada waaweyn ee waddanka Kenya.
Inkastoo aanay weerarkan sheegan Malleeshiyada Al-shabaab ayaa haddana wuxuu kusoo beegmay xili ay hanjabaad u dirtay Kenya, iyadoo dowladda Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay falal ammaanka ka baxsan oo ay afduubyo ku jiraan ay ka geysteen gudaha dalka Kenya.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.