Hargeysa-(Berberanews)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta dood ka yeeshay arrimaha Bulshada, kaas oo ah qodobka shanaad ee Ajandaha kalfadhigoodan 45-aad.
Fadhigan oo ay doodooda ka dhiibteen dhawr Mudane, ayaa ugu horayn waxa ka hadashay Marwo Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ka hadashay fadhigaasi waxay tidhi “Qodobkan arrimaha bulshadu waa qodob aad u balaadhan, waxaan jecelahay in aan ka hadlo waxa uu qodobkani ka taabanayo anshaxa. Waxaan doonayaa in ka hadlo dhalinyaradan moobilada ku daawata waxyaabaha xun-xun, taas oo anshixii ku haysa dhibaato aad u badan oo diinta iyo dhaqankaba ka hor imanaya, waxa kale oo aan doonayaa in aan ka hadlo waxa loo yaqaan (Internet-ka) oo isna qayb ka ah waxyaabahaas anshax xumada ah. Markaa waxaan anigu aragtidayda odhan lahaa waa in loo hawl galaa sidii arrimhaas aan soo sheegay ee anshax xumada ah looga hor tagi lahaa. Waana in la sameeyaa wacyi-galin balaadhan oo arrintaa la xidhiidha,”
Xildhibaanad Faadumo Jaamac Ileeye waxa kale oo ay ja hadashay xabaalaha oo ay sheegtay in dadka qaar guryo ka dhistaan meel xabaalo ahayd, iyadoo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi “Waxa haboon in xeer laga soo saaro arrimaha degitaanka xabaalaha loona sameeyo dayr lagaga baydho si looga waantoobo in loo adeegsado jago ahaan amaba la dago.”
Marwo Faadumo iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi “Waxa kale oo jira oo aan anigu arkay dad xabaalaha jooga oo iyadoo aan maydkaba xabaasha la keenin odhanaya anagaa aasayna arrintaasina waa mid u baahan in indho dheer loo yeesho.”
Md. Farxaan Ciise Ubaxle oo isna ka mid ahaa Mudaneyaashii aragtidooda ka dhiibtay fadhigan ayaa isna waxa uu si gaar ah uga hadlay baahida loo qabo in la helo idaacad weyn oo dalka wada gaadha. “keenitaanka idaacad weyn oo dalka wada gaadha wasiiro badan baa yidhi waanu keenaynaa, dawladan cusubina waxay balan qaaday inay sanadkan keento, anigu waxaan leeyahay wadanku hadaanu idaacad wada gaadha lahayn waa wadan dhagola” Waxaanu intaasi ku daray “Waxbarashada dalku maanta meel wanaagsan bay maraysaa, dawladuna Dugsiyadii waxay ka dhigtay bilaash oo ardayda wax lacag ah oo laga qaadaa ma jirto wixii Dugsiga sare ka hooseeya waxanaan anigu leeyahay arrintaa dawladu shaqo wanaagsan bay ka qabatay.”
Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa ku baaqay in wasiirka warfaafintu uu golaha guurtida horyimaado waxaanu yidhi “Qodobada ina hor yaala waxa ka mida Idaacada, runtii arrintaasi waa mid aad u muhiim ah, aniguna waxaa aragtidayda odhan lahaa masuuliyiinta lala kulmayo ha lagu daro wasiirka warfaafinta iyo wacyi-galinta si aynu wax uga waydiino halka ay marayso hawsheedii.” Xildhibaan Xareed waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan xagga sicir bararka, waxanuu yidhi “Dawladu way ogtahay sicir-bararka iyo abaaraha dalka ka jira iyadaana u xil saaran, inaguna waynu ognahay doorka inagaga beegan, waana in aynu xukuumada wax ka waydiinaa wixii tallo ahna aynu ku biirinaa. Waxaan soo jeedinayaa arrimahan aynu ka hadlayno in aynu la sugno marka ay inoo yimaadaan masiiliyiinta u xilsaaran ee aynu la kulmayno.”