Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka la magac-baxay Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta xadhigga ka jaray Xarunta dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla magaalada Hargeysa, isla markaana waxa uu sheegay inay gobollada kale ee dalka maalmaha soo socda ka furan doonaan Xafiisyo.
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Wadani ahna Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu mahad-naqay dhammaanba Xubnaha iyo taageerayaasha Urur siyaasadeedka Waddani, waxaanu sheegay in Urur siyaasadeedka Wadani laga bilaabo maanta ay Xaruntan cusubi u noqon doono Xarunta dhexe.
“Waxaanu maanta furnay Xaruntii guud ee Urur siyaasadeedka Waddani. Runtii waxaan u mahad-naqayaa Dhammaanba Xubnaha iyo taageerayaasha Urur siyaasadeedka Waddani.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Wadani Md. Cirro.
Cabdiraxmaan-Cirro mar uu la hadlayey Masuuliyiinta Xisbiyada siyaasadda ee hore u sii jiray, waxa uu yidhi; “Qolyaha Asxaabta waxaan leeyaha qaylada iska taaya iyo hadalada aan micnaha ku fadhiyin, Isha alllaahu kii Illaahay u qoro ayaa soo bixi doona, waxaanan filayaa in Urur waliba uu nasiibkiisa ka qaadi doono.”
Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Wadani mar uu la hadlayey dadweynaha reer Somaliland waxa uu yidhi; “Waanu soo dhawaynayaa cidkasta oo jecel Horumarka Urur siyaasadeedka Waddani, talada iyo Hogaaminta qayb ayey ka noqon doonaan.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.