Xisbiga UCID oo Cayimay Shirweynihi Saddexaad

Hargeysa (Berberanews)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta mudeeyay xiliga la qaban doono shirweynaha sadexaad ee xisbigaasi.

 Sida  lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyuhu wuxuu u cayimay shirweynaha sadexaad inuu caasimada Hargeysa ku qabsoomo 7-da Bisha December ee fooda inagu soo haysa. Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan:- 

“Anagoo tixraacayna xeerka xisbiga UCID Qodobkiisa 10aad farqadiisa 2aad taas oo tilmaamaysa in 5 sanaba mar la qabto shirwaynaha xisbiga .

Waxay maanta shir ay yeesheen hoggaanka xisbigu isku raaceen in la qabto shirweynihii 3-aad ee xisbiga  Cadaalada iyo Daryeelka UCID  taariikhdu markay tahay  07/Dec/2011.

Sidaa daraadeed iyada oo la tixraacayo qodobka 18aad ee xeerka xisbiga waxaa si dhakhso ah loo  magacaabi doona gudidii qaban-qaabada  shirweynaha  inta ka horeysa dhamaadka bisha November.”