Madaxweynaha Somaliland oo Furay Shirweynaha Qiimaynta Qorshaha Horumarimeed ee dalku yeelanayo shan sanno

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaaanyo), ayaa maanta Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka furay shir ku saabsan qiimaynta qorshaha horumarinta dalka ee shanta sanadood ee soo socda, kaas oo ay ku dhaqmi doonaan hay’addaha caalamiga ah iyo qaadhaan bixiyayaashu ee Somaliland kala shaqeeya dhinacyada horumarinta.

 

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxa soo qaban qaabisay Wasaarada Qorshaynta Qaranka, waxaana ka soo qeyb galay Wasaaradaha, Ha’yadaha dawliga ah ee madaxa banaan iyo kuwa caalamiga ah.

 

Ugu horayn Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka hadlay furitaankii shirkaasi waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabay qorshahan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa farxad weyn ii ah inaan maanta inoo furro xaflada shirkan ku saabsan qorshihii mudada dheer ee aanu u samaynay dalka Somaliland oo ah qorshe horumarineed oo shan sanadoodle ah in dalka qorshe loo dhigaa waa wax caadi weeye, waa wax dalal badani sameeyaan. Dalkeenu hore wuu u samayn jiray anigaaba markii aan wasaarada qorsheynta joogay samayn jirnay qorsheyaasha shanta sanadood ah. Waxay dalka iyo dadka siinayaan jihayn halka aynu ku socono iyo hababka aynu u marayno ayay waddo cad oo aynu u marno inoo jeexayaan.”

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in qorshahani uu caalamka tusayo jihada ay Somaliland ku socoto, waxaanu yidhi “Mida labaad dunida aynu ku xidhan nahay ee deeqbixiyeyaashu ka midka yihiin ama kuwa doonaya inay dalkeena maalgashadaan ayay fikir ka siinaysaa jidka aynu marayno. Maalin walba dunidu way inoo timaadaa, caalamka waynu u tagnaa wax baynu waydiisanaa waxay ku odhanayaan maxaanu idiin qabanaa? Haddii waxaad doonaysaa aanay kuu cadayn oo aanu qorshe kuu oolin kolba wax baad ka tagaysaa. Laakiin markay haystaan qorshe muddo dheer ah oo muujinaya dalku jihada uu u socdo iyaguna (Deeqbixiyeyaashu) waxay ku xisaabtamaan oo ay ku talo galaan ayay haystaan. Qorshahani dalka gudahiisa iyo caalamka inala dhaqmayaba aad iyo aad ayuu muhiim ugu yahay.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa lagama maarmaan ah Qorsheyaasha in siday u kala mudan yihiin loo kala horeysiiyo, waxa lagama maarmaan ah marka dawladu ay samaynayso miisaaniyad sanadeedkeeda sanad walba inay ku tallo-gasho qeyb ka mid ah horumarinta. Arrimaha la xidhiidha horumarinta waa in qorshe hagaa jiraa oo lagu tilmaan qaadan karaa haddii la gelinayo waxbarashada, beeraha, Xoolaha, ceelasha iyo waddooyinkaba waa inay mudnaantu ka muuqataa wixii la gelinayo. Sidaasi daraadeed dadka iyaguna maalgashanaya dalka haddii ay Soomaali yihiin iyo haddii ay ajanabi yihiinba waa inay qorsheyaashaasi raacaan,”

Madaxweynuhu waxa uu ku ammaanay Wasiirka qorshaynta samaynta qorshe hawleedkan. “Waxaan maanta anigu hambalyo aad ah u soo jeedinayaa Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka iyo shaqaalihiisa, waxaanan ku hambalyaynayaa inay soo celiyeen tubtii qorshaha dawlada ee shanta sanadood ah, qorshahaas shanta sano ah oo had iyo jeer ah dariiqa cad ee aynu u marayno horumarinteena,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo. “Inagu wakhtigan aynu joogno waynu ognahay mandaqadan aynu ku nool nahay waxa ka taagan dhibaatooyin faro badan oo xaga Nabadgelyada ah ma aha horumarinta oo qudha waxa laga hadlayaa waxa weeye khayraadka ina soo gala wax badan waxaynu u baahan inaynu siino ama u leexino (u dunno) xaga nabadgelyada oo aad iyo aad muhiimu ah oo aynu ognahay in colaad faro badani inagu furan tahay, sida budhcad badeedda iyo Argagixisada inala dagaalamaysa iyo qaar doonaya inay ina dhibaan , qaar doonaya inay nabadgelyadeena khalkhaliyaan iyo qaar doonaya inaanu dadkeena iyo dalkeenu aanu xasilin, laakiin waxaan ku kalsoon nahay ILAAHAY-na ka baryayaa in dadkeenu sidii awalba ay isku xidhnaan jireen ay iskugu xidhnaan doonaan oo dalkoodana ay daafici doonaan, nabadgelyadiisana daafici doono oo ilaalin doono horumarkiisa, isku xidhkiisa iyo wada shaqayntiisa taasna aynu ka soo bixi doono.”

Sidoo kale waxa isna Shirkaad ka hadlay Wasiirka Qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire, waxaanu sheegay inay dedaal weyn u galeen sidii ay Xukuumadda Somaliland ugu samayn lahaayeen qorshe hawleed shan sanadood ah oo laga duulo, waxaana hadaladisii ka mid ahaa “26 June Dadka reer Somaliland waxay u kaceen Doorasho ku salaysnayd isbadalkii Maamuka,Dhaqaalaha iyo Degaanka intaba.

 

Wasiirka Qorshaynta Dr Sacad Cali Shire waxa uu intaas raaciyay ”Daddaba Su’aashu waxay tahay sideebaa lagu gaadhi karaa isbadalkaasi.Jawaabtu waa iyada oo la helo Qorshe wax ku ool ah, Qorshaasina waxa uu u baahanyahay in laga shaqeeyo”

Dr Sacad Cali Shirre waxa kale oo uu sheegay in Wakhtigii uu Xafiiska yimi in aanu Wasaarada ugu iman Qorshe Dawladeed oo ka horeeyay, waxaanu yidhi “Markii aan Xafiiska la wareegay waxaan waydiiyey Wasaaraddu wax qorshe ah ma leedahay, waxaanay ii sheegeen inaanu jirin wax qorshe Wasaaradeed ah, balse uu jiro wax u eeg oo ah mid ku salaysan waxanay Somaliland samaysan”

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com