Masuul ka socda dawladda Kenya iyo Siyaasiga Cabdale X. Cali oo Berbera si weyn Loogu soo Dhaweeyay iyo Dadkii soo Dhaweeyay oo la Anfariiray

Berbera-(Berberanews)- Siyaasiga wayn ee  Cabdale Xaaji Cali Axmed ayaa shalay si wayn loogu soo dhaweeyay Magalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, isaga oo isla shalay ka soo kicitimay Magaalada Hargaysa, waxaana safarkiisan ku wehelinayey Ergayga gaarka ah  ee Xafiiska Raysal wasaaraha Dalka Kenya Raila Odinga u qaabblsan Soomaaliya Elyaas Barre Shiil.

Dadweynaha soo dhaweeyey ayaa ka amakaagay Baabuurka uu watay Cabdalle, ka dib markay arkeen isaga oo Wata Mid ka mida  Gaadiidka Gaarka ah ee Madaxwaynaha. Cabdale oo 22-kii bishan ay Ciidanka Madaarka Hargaysi Xabsiga u taxaabeen,   ayaa Dadwayne iyo Gaadiid farabdan  kaga hortageen  Siyaasigan  duleedka Magaalada Berbera, iyada oo la soo mariyay qaar ka mida wadooyinka waaweyn ee Magaalada Berbera, hadal kooban oo si wada jira ay Saxaafada ugu qabteen Huteelka Xeebsoor ayaa waxaa ugu horayn halkaa ka hadlay Ergayga gaarka ah ee ka socday xafiiska Raysal wasaaraha Dalka Kenya Elyaas Barre Shiil waxaanu yidhi.

“Magacaygu waa Elyaas Bare Shiil, waxaan ahayee Ergayga khaaska ee Raysal wasaaraha Dalka Kenya  Raila Odinga  u qaabilsan arrimaha Somaliya iyo Somaliland,    waxaan halka Somaliland, ku soo gaadhay safar waxaan ugu horayn hanbalyo u dirayaa  Madaxwayaha dalka Somaliland Dawladiisa iyo Shacabka Somaliland  iyo Shacabka reer Berbera sida fiican ee aad noo soo dhawayseen, aniga ayaa doortay in aan halkan Berbera imaado, waa magaalo can ah waa magaalo qalbiga igag jiraty,  waa magaalo aan aad u jecelahay ,waayo waxaan idhi socdalkaygu ma dhamaystirna hadii aanaan Berbera gaadhin, aad iyo aad ayaa noloo soo dhaweeyay, waanu ognahay in Magaalada Berberi qayb libaax ka qaadatay dhismaha Dalka waxaan leeyahay Beesha Calaamka iyo ururka IGAD waa in si dhakhso ah loo dhisaa Dekadda Berbera waayo waa meel caalamiya oo cidwalba anfacaysa”.

Mar wax laga waydiiyay in uu Raysal wasaaraha Dalka Kenya Raila Odinga bookhasho ku imanayo Somaliland waxaa uu yidh “ waa run oo Raysal wasaarahu dhawaan ayuu imanayaa laakin  wali wakhtiguu imanaya wali lama cayimin, Somaliland iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xidhidh fiican markaa  waxaan idinka codsanayaa inaad si fiican u  soo dhawaysaan markuu yimaado, Raila Odinga  markii Dalka Ifrikost ay  dhibaatadu ka dhacday waa kii tegay waa nin waxlaqabashada jecel” ayuu yidhi Elyaas Bare Shiil.

Cabdale X. Cali Axmed oo isnaa halkaa ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “aad iyo aad aad u mahad santihiin dadka reer Berbera sida fiican ee aad ii soo dhawayseen waa mid aan idinka filayey, waxaa ila socda Ergayga gaarka ah ee Raysal wasaaraha Dalka Kenka, waana nin wax badan inala qaban kara, waxaanu isbaranay isaga oo Xildhibaan ah,dagaal badan aanu u wada galnay sidii Somali loo wanaajin lahaa Gaar ahaan Somaliland, Maantana isaga oo Ergay ah ayaanu fursad isu helnay, markaa iminka dadku ama wadamaada Kenya iyo waxii ka shisheeya   waxay barteen dhibaatada ka socota Somali, iyo wanaaga, Nabada  iyo horumarka Somalind yaala, in ay dareenkooda iyo argtidooda ku cabirin  codka iyo  Dimuqraadiyad markaa waxaan leeyahay Meel fiican ayeynu maraynaa.

Hadaan ka hadlo arrinkii yaraa ee xadhiga ahayd, waxaan ku soo koobayaa waa qalad dhacay waana laysku qaldamaa markaa idinkana yaanay idinku waynaan arrinkaa xadhigaygu  waanad mahadsantihiin”. Ayuu yidhi Cabdale

Siyaasigan oo watay mid ka mida Gaadiidka Madaxtooyada Gaarka u ah gaar ahaan gaadhigii uu laahn jiray Madaxwaynahii hore ee Somliland Maxamed Ibraahin Cigaal, oo isaga iminka lagu xidhay Lambarka Shicibka islamarkaana uu waday Dareelka gaarka ah ee madaxwaynahu ayaa iloo wareedyo Siyaasigan ku dhawi noo xaqiijiyeen in raaligalin Dawladu ugu dhigtay Cabadle xadhigii lagulam kacay, isla markaana xadhigiisan aanay Xukuumadu ku wada socon laakin  uu ka danbeeyay Wasiirka Wasaarada Arrimha Dibada Somaliland , isaga oo ka cadhooday Ergayga gaarka ah ee Raysal wasaaraha Kenya uu googol xaadhayo imaanshiiyaha Raysal wasaare Raila Odinga oo isagu aanu waxba kala socon.

waar mid ka mid ah faddeexadihii ugu weynaa ee soo food-saaray Hay’adda Tayada oo ah war ku saabsan daqiiq dhacday oo joonyadaha laga bedelay oo ay qabteen, waxaanad ka dhigaysaa qaybta labaad ee warbixintii hore, markii danbena laaluush bay qaateen oo daqiiqda Ilma Indho deero meel lagu gubay ma jirto….. ku faddeexadee

“Waxaanu Ilma Indha-Deero Ku Qabanay 400 Kiish Oo Daqiiq Dhacday Ah Oo Ay Galka Ka Wada Badaley, 8,000 Kiish-Na Oo Dhacayna Bakhaaradda Ayey U Rasaysan Tahay” C/rashiid Ibraahin Muuse (Sawaaxili).

 Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.