Masuuuliyiinta Hay’adda Ilaalinta Tayada Somaliland oo u muuqda kuwo ku fashilmay Shaqadii Loo Xil-saaray iyo Fadeexadaha ku xeeran

Qaybtii Labaad ee qormooyin taxane ah oo Berberanews Akhristayaasheeda u soo bandhigayso. Bahda Berberanews waxay hore akhristayaasheeda ugu soo gudbisay qaybtii koobaad ee qormooyin aannu ballan-qaadnay inay taxane noqon doonaan oo aynu kaga hadlaynay masuuliyadda Hay’adda dhawrista Tayada (Somaliland Quality Control Commission), dayaca awoodaheeda shaqo ka muuqda iyo fadeexadaha dul-hoganaya Masuuliyiinta hay’addaas.

Haddaba, qaybta labaad ee qormooyinkaas, ayaannu maanta halkan idiinku soo gudbinaynaa, isla markaana waxay qaybtan labaad ku eegi doonnaa qodob aynu ku muujinayno ama tusaale fiican innaga siin kara tamar-darrada Hay’adda Tayada. Bishii June ee sannadkan 2011-ka 30-keedii waxa Wargeyska Haatuf ku soo baxay Waraysi uu Wargeysku la yeeshay Isu-duwaha hay’adda tayadda Somaliland (Somaliland Quality Control Commission) ee gobolka Saaxil Cabdirashiid Ibraahin Muuse (Sawaaxili), kaas oo uu shaaca kaga qaaday inay gacanta ku dhigeen 400 Kiish oo daqiiq dhacday ah oo ay leedahay shirkadda Indha-deero oo laga iibiyey gabadh.

 Waxaanu Isu-duwuhu tilmaamay in Daqiiqdaas laga badalay Jawaanadii ay ku jirtay, isla markaana magaaladda Dubai lagaga soo tolay jawaano ay leedahay shirkadd wadani ah oo Somaliland keenta sharaabka iyo raashinka, lana yidhaahdo Al-Iqwa.

Isu-duwaha tayadda ee Saaxil C/rashiid Sawaaxili ayaa waxa uu xukuumadda ku dhaliilay waxka qabasho la’aanta raashikaas dhacay ee ummadda laga iibinayo. Waxaanu ka dhawaajiyey in hada ay Bakhaarada waawayn ee shirkadda Indha-deero ku leedahay magaalada Berbera ay rasaysan tahay daqiiq dhacday oo lagu qadaray 6,000 ilaa 8,000 Kiish, isla markaana Dekadda Berbera ay mudo sadex sano ah u yaalaan shirkaddaas 40 Koontiinar oo raashin dhacay ah.

“Waxaanu Ilma Indha-deero ku qabanay 400 kiish oo daqiiq dhacday ah oo ay galka ka wada badaleen, waxa uu Dubai ka soo samaystay Jawaano ay leedahay shirkad kale oo wadani ah, markaa waxa aan tusay taliyaha qaybta iyo badhasaabka gobolka Saaxil Ramaax. waxaanu ka saxeexnay raashinkii kale ee bakhaarka u yaalay oo isaguna daqiiqdan dhacday la mid ah oo ka badan 6,000 Kiish. Waxa shirkadda Indha-deero bakhaaradooda Berbera u yaala 6,000 ilaa 8,000 Kiish oo daqiiqda dhacday ah. habeen walba waa la iibiyaa oo waa la raraa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashiid.

Waxaanu Isu-duwaha oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Raashinkaasina waa raashin qudhmay oo uray oo inta uu cadaankii ka tagay dareere noqday oo uu Daaniye dhexyaacayo. Markaa waraaqaha aanu qornay waxa uu taliyaha qaybtu kaga saxeexay inaanay Kiish danbe iibinin, ilaa imikana arinkii wax alaala wax laga qabtay ma jirto oo sidii ayaa loo daabulayaa.”

“Anagu bilaysna ma wadano, mana gali karno bakhaaradaas, kaliya awoodayadu waa in aanu bilayska iyo maamulka gobolka ku wargalino khatarta jirta. Waxa aanu u baahnayn in dawladdu fulintaas nala samaysto, taasina way dhici wayday. Shirkadda daqiiqdan dhacday dadka ka iibinaysa ee Indha-deero waxa mudo sadex sano ah Dekadda Berbera u yaala 40 Koontiinar oo raashin dhacay ah. Raashinkaasi wuu isbadalay oo wuxuu isku badalay dareere waxaanu keeni karaa khatar caafimaad oo aad u baaxad wayn hadii wax dagdag looga qaban waayo. Waxa Dakedu leedahay Maareeye waxaana haboonayd inuu maareeyuhu amar ku siiyo in 24-tan saacadood gudahooda lagaga saaro dekadda daqiiqdaas dhacday oo raashinkaas la gubo.” Sidaa ayuu ku jawaabay Isu-duwaha Hay’adda Tayada ee Gobolka Saaxil oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxay ka yeeleen Raashinka dhacay ee ay qabteen.

Qaylo-dhaanta ka soo yeedhay Isu-duwaha tayada ee Saaxil C/rashiid Sawaaxili may noqon mid baajisay alaabooyinka quutal-daruuriga dhacay, qaarna adduunka laga mamnuucay isticmaalkooda ee shirkadaha ugu waaweyn ee wax soo dejiya, gaar ahaan Indha-deero iyo Oomar ay sida joogtada ah u caadaysteen inay dalka soo geliyaan, kuwa muuqaalkooda laga arki karana ay si khiyaamo casriyaysan ah uga beddeleen joonyadaha iyo agabka kale ee laga dheehan karo dhicitaankooda.

Masuulliyiinta Hay’adda Tayadda, ayaa lagu eedaynayaa inay sifo sharci-darro ah oo aanay shacabkooda uga tudhayn laaluush qarsoodi ah uga qaateen qaar ka mid ah shirkadaha wax soo dejiya, iyagoo shaqadii ay qaranka ku difaaci lahaayeen ka door-biday dhaammeel ay u daadiyaan shirkadaha ganacsigu.

Si kastaba ha ahaatee, waxaynu waraysigaa ka dhex fahmi karnaa tamar-darrada iyo Fadeexadaha xil-gudasho la’aanta Hay’adda Tayada Somaliland iyo sidoo kale Xukuumadda talada haysa oo ay tahay Masuuliyiinta ay xilalka kala duwan ee hay’adaha dawladda ay u magacawday inay ku daba-gasho, isla markaana ay tallaabo muuqata ka qaaddo masuul kasta oo sida ay tahay u gudan waaya xilka uu Qaranka u hayo, si loo tayeeyo xil-gudashada iyo waajibaadka shaqo ee masuul kastaa bulshada iyo guud ahaanba Qarankan u hayo.

La Soco qaybta Saddexaad

Qorayaasha Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Email, info@berberanews.com