Urur-siyaasadeed la magac-baxay SSC oo maanta lagaga dhawaaqay Caasimadda Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)- Urur-Siyaasadeed loogu-magac-daray Jabhaddii Hubaysnayd ee Somaliland ka soo horjeedday ee SSC, ayaa saaka lagaga dhawaaqay Caasimadda Hargeysa. Isla markaana, waxa la sheegay inuu Urur-kaasi ka mid noqon doona Ururrada u tartamaya doorashada dawladaha hoose ee dalka dhawaan.

Kayse Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa Garabkii SSC ee wadahadalka nabadeed iyo heshiiska xabbad-joojineed la saxeexday dawladda Somaliland, ayaa saaka Xaflad lagu qabtay Huteelka Kaah ee magaalada Hargeysa oo loo sameeyey toddoba Maxbuus oo ka mid ahaa Maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii SSC ay Ciidammada Qaranka Somaliland kula jirtay horraantii sannadkan, kuwaasoo uu Madaxweynaha Somaliland cafis u fidiyey.

Waxa uu Keyse sheegay inay rejaynayaan in Ururkoodu ku guulaysan doono doorashooyinka dawladaha hoose ee soo socda, isla markaana ay xukunka dalka Jamhuuriyadda Somaliland inay qabtaan ku rejo-weyn yihiin hadday Xisbi u gudbaan ka dib. “Awal waxaannu ahayn Urur hubaysan oo Somaliland dagaal kula jiray, waatii aannu nabadda aannu ku qaadannay Shirkii Widhwidh ee bishii lixaad ee sannadkan, markii aannu aragnay in wax naloo oggolyahay nabad baannu qaadannay, hubkii dhulkaannu dhignay, waxaanannu ku dhawaaqnay in Ururkii SSC noqdo Urur-siyaasadeed isagoo SSC ah, sidaas ayuu Urur-siyaasadeed ku noqonayaa, Urur doorashada isu soo taaga ayuu noqonayaa, Insha Allaahu xukunkana waannu ku guulaysan doonnaa, waxaanannu noqon doonnaa kuwo aan lagaga caban wixii ay ka caban jireen.” Sidaa ayuu yidhi Keyse Cabdi Yuusuf.

Kayse, mar uu ka hadlayey cidda SSC ka tirsan ee ay fikirkan ku midaysan yihiin, waxa uu yidhi; “Ururkani markii hore hore haddii aannu ahayn SSC dagaallamaysa, SSC nabad iyo siyaasad wax ku doonta ayuu noqonayaa, Ururkan cidda ku dhawaaqday waxa weeye ciddii garatay inay Somaliland nabad la qaataan oo ay hubkii dhulka dhigaan oo ay nabad-qaataan, ciddaas weeye cidda Urur-siyaasadeedkan SSC ku dhawaaqday.”

Ninka ku dhawaaqay Urur-siyaasadeedkan Kayse Cabdi Yuusuf, waxa uu sheegay inay dhawaan qabsan doonaan Shirweyne. “Waxaannu dhawaan qaban doonnaa Shirweynihii Ururka oo ah Shirweyne loo dhan yahay, magaca Ururka waxna waa laga beddali karaa waxna waa lagu dari karaa marka Shirkaas la isugu yimaaddo, Ururkuna wuxu noqon doonaa Urur-Siyaasadeed Beel kasta oo Beelaha Somaliland ah iyo muwaaddin kasta u furan waana Urur Somaliland u siman oo la wada leeyahay.” ayuu yidhi Kayse.

Mr. Kayse waxa uu baaq u diray Qurba-joog uu sheegay inay taageeri jireen Ururka SSC markii uu hubaysnaa, kuwaasoo uu ka codsaday inay joojiyaan Hub iyo Dawooyin ay ku taageeri jireen,isl amarkaana ay u beddalaan taageeradoodii mid wax loogu qabto horumarinta dadkooda iyo dalkooda, isaga oo ka dalbaday inay isku garab-taagaan Urur-Siyaasadeedka uu maanta ku dhawaaqay. Isaga oo xusay in xalka ugu dhaw ee ay tabashadooda ku raadin karaan dadkii SSC taageeri jiray ay tahay inay tallaabadooda siyaasadeed ku taageeraan.

Garaad Diiriye Maxamed Cali oo Xafladdaa Urur-siyaasadeedka lagaga dhawaaqay, isla markaana ka tirsan Garaaddada Sool iyo Buuhoodle, ayaa sheegay inay gacmo furan ku soo dhawaynayaan Urur-kii hubaysnaa ee SSC in laga dhigo Urur-siyaasadeed, taasoo uu ku tilmaamay mid caddaynaysa sida ay Somaliland u jeceshahay inay Shacabkeeda qanciso, isla markaana nabadgelyada laga wada shaqeeyo.

 Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.