Hargeysa-(Berberanews)- Boqollaal qoys oo Qaxoonti ah, ayaa maalintii saddexaad maanta muddaharaad cabasho ah la hortagay xarun ay Hay’adda Qaxoontiga Adduunka ee UNHCR ku leedahay Xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa.
Qaxoontiga muddaharaadka waday saddexdii maalmood iyo saddexdii habeen ee ugu dambeeyey toddobaadkan, ayaa isugu jira dad ka soo qaxay dalalka jaarka la ah Somaliland, gaar ahaan Ethiopia iyo Eriteria.
Dadkaas oo sheegay inay magangeliyo ka haystaan Somaliland, ayaa isugu jiray haween iyo carruur iyo dad waaweyn oo sita boodhadh ay ku qoranyihiin gaajo iyo macaluul ayaa na haysaa. Dadkan muddaharaadayay ayaa isugu soo baxay goob ay inta badan ka qaatan gunno yar oo lacag ah iyo raashin.
Khadar Cabdiraxmaan oo ka mid ah Muddaharaadayaasha, ayaa Shabakadda Berberanews u sheegay in hay’adda UNHCR ay ka joojisay gunnadii iyo raashinkii ay siin jirtay, waxaanu tilmaamay intaa bedelkeeda ay u adkaysan kari wayeen gaajo iyo macaluul soo foodsaartay. Waxa kale oo ay Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen dadkaas inay soo kala dhexgalaan cabashada soo foodsaartay iyaga iyo hay’adda UNHCR.
“Lixdan Doollar oo ay bishii na siin jirtay iyo raashinkii yaraa ee qaxoontinnimadaba way naga jartay Hay’adda UNHCR, ka dibna markaannu macaluul u adkaysan waynay ayaannu isu soo baxnay, saddex habeen iyo saddex maalmood baannu halkan xarunta UNHCR horteeda ku bannaan-baxaynay oo xattaa habeenkii waannu seexannaa halkan.” Sidaa ayuu yidhi Khadar oo ka mid ah Qaxoontiga reer Itoobiya oo Berberanews uga warramay sababta ay u dibad-baxayaan.
Muddaharaadkan ay dadka Qaxoontiga ah ee Caasimadda Hargeysa ku dhaqani kaga dayriyeen xaaladdooda nololeed, ayaa yimi maalin ka dib markii uu Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), uu Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa UN-Ka ee Somaliland ku sugani inay ka gaabiyeen inay gargaar bina-aadannimo u fidiyaan boqollaan qoys oo uu sheegay inay Macaluul ba’ani hayso.
Madaxaweyne ku-xigeen Saylici, waxa uu ka digay haddii aan dhakhso loogu gurman dadka macaluushu hayso oo uu sheegay inay isugu jiraan Qaxoonti dalka ku soo barakacay iyo dad reer Somaliland ah oo ku barakacay abaaro ku dhuftay gobollada qaar oo Xoolihiina ka dhammeeyey in badan oo bulshada Somaliland ka mid inay dhibaatadu gaadhi doonto mid la mid ah Macalluusha iyo dhibaatooyinka halista ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya.
Hay’adaha ka hawlgala dalka Somaliland kuwa Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ahba, waxa la aamminsan yahay inay boqolkiiba konton in ka badan ay musuqmaasuqaan kharashka iyo caawimooyinka loogu talagalay in arrimaha bina-aadannimo wax lagaga qabto, isla markaana lagaga hortago masiibooyinka noocaas ah iyo kuwo la mid ah.
Arrintan shalay dhacday ayaa waxay iyaduna soo shaac-saaraysaa fadeexadaha ku xeeran Hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala Somaliland oo aanay xattaa badi dawladdu ku daba-galin sida ay u fuliyaan mashaariicda ay ku soo qaataan inay dadka jilicsan wax ugu qabanayaan.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.