Burco-(Berberanews)- Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer Saleebaan Ducaale Ubaxle (Dhega–cadde), ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka uu u dhacay weerar uu nin Mindi ku hubaysani ku qaaday Saldhigga Booliska magaalada Burco ee Faarax Oomaar oo laba qof ku geeriyoodeen, tiro kalena ku dhaawacmeen.
Taliye Dhego-cadde, oo maanta falkaa ka dib Warbaahinta ugu warramay magaalada Burco, waxa uu sheegay in weerarka ninkaasi Saldhigga ku qaaday gelinkii hore ee maanta ay Laba qof ku geeriyoodeen,saddex kalena ay uu gaadhay dhaawac. Illaahay ha u naxariistee Labada qof ee dhintay ayaa kala ah hal Askari oo ka tirsanaa Booliska Saldhiggaasi Faarax Oomaar ee Burco ku sugnaa iyo Haweenay Shicib ah, halka saddexda qof ee dhaawacmay laba qof shicib yihiin midna Askari Boolis ah.
Waxa uu sheegay Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer Saleebaan Ducaale Ubaxle (Dhega-cadde), ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyey uu ku guulaystay inuu gacanta u galo qori uu lahaa mid ka mid ah askarta waardiyaha ka ahayd saldhigaas halkaas oo uu ku dhintay mid ka mid ah askarta kuna dhaawacmeen labo kale .
Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in ninkaas weerarka dhimashada iyo dhaawaca geystay fuliyey yahay nin ka soo jeeda gobolada dhexe ee Soomaaliya, hase-ahaatee, illaa hadda lama aqoonsan ujeeddada ku kalliftay inuu falka noocaas ah geysto.
Waxa kale oo Taliyaha qeybta Booliska Togdheer uu sheegay in ninkan laftigiisu uu ku dhaawacmay tacshiiradihii Boolisku ku rideen, waxaanu tilmaamay in lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaalada Burco. Taliyuhu waxa uu intaasi ku daray inay ku hawlan yihiin baadhista kiiskan oo uu ku tilmaamay mid ku cusub magaalada Burco.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.