Ujeeddada Wefti ka socda dawladda Talyaaniga oo Somaliland yimi iyo Nuxurka kulan dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Wefti ka socda Talyaaniga oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dawladda Talyaaniga Senatore Alfedo Mantica.

Ujeeddada Weftiga dawladda Taliyaanigu ay Somaliland u yimaaddeen ayaa lagu sheegay mid la xidhiidha sidii ay xogo badan oo xaqiiqda ku saabsan uga heli lahaayeen xaaladda guud iyo kuwo gaar ahba wax ka ogaadaan. Waxyaabaha ay Weftigaas iyo Madaxweynaha Somaliland ka wadahadleen waxa lagu faahfaahiyey War-Saxaafadeed uu kulankaa caawa ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadu Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan Saacad qaatay qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Wefti 7 xubnood ka kooban oo ka socda Dawladda Talyaaniga. Weftigan oo uu hogaaminaayo Wasiirku xigeenka Arrimaha Debeda ee Dawlada Talyaaniga Mr. SENATORE ALFREDO MANTICA.

Waxa ay sheegeen in ay ujeedada socdaalkoodu tahay u xogogaal noqoshada xaalada guud ee Somaliland. Wasiirku xigeenku waxa uu madaxweynaha ku hambalyeeyey maamulka dawladnimo iyo kala danbaynta ka hanaqaaday Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu tahay in ay Somaliland ku wargeliyaan in ay dawladiisu si toosa ula shaqayn doonto dawlada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa weftiga uga waramay taariikhda iyo sooyaalka Somaliland, waxaanu sheegay in ay dawladda iyo shacbiga Somaliland-ba beesha caalamka ka sugayaan aqoonsi iyo in laga gacan qabto dedaalka ay la yimaadeen reer Somaliland.

Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed iyo Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Dhinaca Weftiga waxa wasiirku xigeenka Arrimaha Debedda Mr. Senatore Alfredo Mantica kulankan ku wehelinaayey 1.            Elisabetta Belloni, Agaasimaha guud ee iskaashiga iyo horumarnta wasaaradda Qorshaynta ee dawladda Talyaaniga Rosa Anna Coniglio, Agaasimaha guud ee wasaarada Qorshaynta ee iskaashiga Afrika iyo Sub-sahariana. 2.          Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Nairobi iyo Afar xubnood oo kale.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.