Qalinka Cabdifataax Mursal:email:mrmursal@gmail.com “Xadhigga Cabdalle waxa uu I xasuusiyey hadal nin Siyaasi ahi yidhi berigii Rayaale xidhay Dr. Gabboose iyo Maxamed Xaashi, hadalkaasi waxa uu ahaa; ‘Khamriga iyo Siyaasiguba xadhigga way ku naaxaan.” Mid ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa.
Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Sabtidii toddobaadkan Ciidammada Ammaanka ee Garoonka diyaaradaha Caasimadda Hargeysa Xabsiga u taxaabeen Siyaasiga reer Somaliland ee Cabdalla Xaaji Cali Axmed oo wakhtigaa ka soo degay Diyaarad uu ka soo raacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Inkasta oo aanay Madaxda Xukuumaddu si cad daboolka uga qaadin sababta rasmiga ah ee Cabdalle iyo dembiga uu galay, marka laga reebo eedayn aan miisaan culus oo siyaasadeed lahayn oo ka soo yeedhay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdillaahi-Balaaki, kaasoo sheegay inuu dib ugu laabtay arrimo la xidhiidha Midnimada Soomaaliweyn oo uu xusay inuu Cabdalle Xaaji Cali hore u aamminsanaa oo laga cafiyey sannad iyo badh ka hor. Waxaanu Agaasime Balaaki sheegay in arrinta Cabdalle ay Xukuumaddu u xidhay yahay dembi shaqsi ahaan loogu haysto oo aanu carrabbaabin waxa uu yahay, hase-yeeshee, uu tilmaamay in baadhis lagu wado.
Hase ahaatee, Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiye Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxay Cabdalle Xaaji Cali xorriyaddiisa u soo celisay habeen iyo maalin markii uu xidhnaa, iyada oo aan la shaacin in dembi lagu waayey iyo in lagu helay toona. Haddaba, dad badan oo bulshada reer Somaliland ah, ayaa is-weydiinaya maalmihii u dambeeyey Xadhigga ay Xukuumaddu Cabdalle kula kacday ma mid waxyeelaybaa mise waxbuu u kordhiyey?
Su’aashi waxay timi ka dib markii uu Cabdalle Xaaji Cali Isniintii socdaal ku tagay magaalada Berbera, oo uu kala kulmay soo-dhawayn aad u sarraysa oo aan hore loogu samayn jirin. Soo dhawayntan su’aashu ka dhalatay, ayey dad badani u arkeen jawaabteeda mid macno ahaan ku ururaysa inay Xukuumaddu Siyaasi Cabdalle u kordhisay sumcad, sharaf iyo derajo siyaasadeed oo aanay dad badani hore ugu aqoonnin.
“Cabdalle Xaaji Cali umaan aqoonnin inuu yahay siyaasiyiinta safka hore saaxadda siyaasadda kaga jira, hase ahaatee, labadii maalmood ee u dambeeyey waxaan u aqoonsaday inuu yahay Siyaasi saamayn badan oo siyaasadeed leh, waxaana siyaasinimadiisa I dareensiisay Xukuumadda talada haysa, ka dib markii ay Sabtidii xidhay, haddana Axaddiiba sii-daysay sabab la’aan iyo sidii loo dareemay ee loogu soo dhaweeyey illaa Berbera.” Sidaa waxa yidhi Maxamed Siciid oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa.
Fikirka noocaas ahi kaliya maaha mid u gaar ah Maxamed, hase ahaatee, boqollaal bulshada ka mid ah ayaa la wadaaga. “Waxaannu qaban-qaabinaynaa Cabdalle inaannu sida Berbera loogu soo dhaweeyey si ka weyn Hargeysa ugu soo dhawayno.” Sidaa waxa tidhi Nuura Axmed Cismaan oo ka mid ah Gabdhaha dhalinyarada ah ee reer Hargeysa oo aan wax ka weydiiyey sida ay u aragto sababta loogu soo dhaweeyey Cabdalle X. Cali magaalada Berbera. Waxaanay intaa ku dartay; “Sumcad weyn buu Cabdalle u kordhiyey xadhigga ay Xukuumaddu kula kacday ee aanay sababayn dembiga uu ku mutaystay.”
“Taageerada uu Cabdalle X. Cali ka helay saacadaha uu xidhnaa waxa uu I xasuusiyey hadal uu nin Siyaasi ahi ku yidhi oo lagu qoray Warbaahinta wakhtigii ay Xukuumaddii Rayaale Madheera ku xidhay Dr. Gabboose iyo Maxamed Xaashi berigii ay urur-siyaasadeedkii Qaran ku dhawaaqeen, hadalkaasi waxa uu ahaa; ‘Khamriga iyo Siyaasiguba xadhigga way ku naaxaan.” Sidaana waxa yidhi Cabdifataax Aadan oo ah soddon jir Hargeysa deggan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la odhan karaa Xadhigga ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacday Cabdalle Xaaji Cali Axmed waxa uu ahaa xidhig aan siyaasad ahaan laga fikirin saamaynta uu iyada lafteeda ku yeelan karo iyo waxa kaga soo noqon doona iyo sidoo kale dhinaca kale faa’iidada taageero ee uu xadhiggaas Siyaasigu kaga helay in badan oo bulshada ka mid ah iyo weliba dhinacyada siyaasadda Somaliland.
Haddaba, waxa loo baahan yahay inay Xukuumadda Siilaanyo sal-fudaydka noocaas ah ka dhaxasho khibrad iyo waayo-aragnimo ay kaga badbaadi karto inay si dhib yar oo aan waxba la iska sii weydiin sidan oo kale ugu dhaqaaqdo.