Eithopia- (Beberanews)- Dawladda Maraykanka, ayaa markii ugu horreysay ka sammaystay dalka Eithopia xarun ay haadaan diyaaradaha dagaalka iyo sahaminta ee Maraykanka, ay ula dagaalamaan kooxda Al-shababaab oo qaybo ka mid ah Somalia ganacta ku haya.
Saraakiil Mareykanka ah, ayaa xaqiijiyay jiritaanka saldhigan oo ku yaal deegaan lagu magacaabo Arba Minch oo Koonfurta Itoobiya ooh ore u ahaan jirtay gegi diyaarado rayid isticmaali jireen ay xarun u noqon doonto diyaaradihiisa dagaalka ee aan duuliyaha lahayn loogu tallogalay inay la dagaalamaan kooxaha xag-jirka ah ee Al-shabaab.
Saldhigga iyo garoonka diyaaradeed uu Mareykanku ka sameysanayo Koonfurta dalka Itoobiya oo la sheegay in lagu qarash-gareyayo malaayiin dollar waxay ka yihiin qorshaha Mareykanka uu kula dagaalamayo argagaxisada, sida ay sheegeen saraakiil u hadlay dowladda Mareykanka oo aan magacyadooda sheegin.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dayax-gacmeedka laga hago, ayaa waxa lagu xidhi karo gantaalaha wax dilla, ayay saraakiisha Maraykanku BBC-da u sheegeen in diyaaradahani yihiin kuwo aan xambaareyn gantaallo, loona adeegsanayo sahamin.
Dowladda Itoobiya ayaan soo hadal qaadin saldhigga iyo garoonka diyaaradeed uu Mareykanku ka sameysanayo dalkeeda ee uu kula dagaalamo Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
Qaybo ka mid ah warka waxaannu ka soo xiganaay Hiiraan online
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com