“Waxaan safar ugu baxayaa dalka Ingiriiska oo aan fasax u tagayaa, wax shirar ah oo aan ka qeyb galayaa oo la iigu yeedhay ma jirto..”Madaxweyne Silaanyo

Hargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta sanad-fasaxeedka uu distoorku u ogolyahay oo ah hal bil maanta ugu amba-baxay Cariga Ingiriiska

Madaxweynaha Somaliland oo ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa saxaafada uga waramayay socdaalkiisa ayaa sheegay inuu safarkiisu yahay mid caadiya oo sanadkiina hal bil distoorku u ogolyahaya, islamarkaana beeniyay warar warbaahintu ku sheegeen inuu kaga qaybgelayo shirar lagaga hadlayo arrimaha Somalia oo ka dhacaya Ingiriiska.

 “Waxaan safar ugu baxayaa dalka Ingiriiska oo aan muddo afar wiig ah ku maqnaan doono oo aan fasax u tagayaa, wax shirar ah oo aan ka qeyb galayaa oo la iigu yeedhay ma jirto sida dadka qaarkood yidhaahdaan waxba kama jiraan arrintaasi fasaxaas ayaan u tagayaa,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 “Haddii aan tagase waa iska caadi inaan dalka aan tagayo madaxdiisa wax ka arko iyo inaan bulshada reer Somaliland ee halkaasi ku dhaqan aan la kulmo oo dadka wixii dano inagaga xidhan yihiin aan kollayba kulamo yeelano.”

Madaxweyne Silaanyo oo socdaalkiisa ay  ku weheliyaan Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay inuu ku sii hakan doono dalalka Jabuuti iyo Itoobiya isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Inta ka horaysa waxaan sii marayaa dalka Itoobiya iyo Jabuuti oo aan ku sii hakan doono jabuuti maanta oo qudha ayaanu joogna. Itoobiya inaanu iyadana masuuliyiin iska aragno ayaa laga yaabaa waxaanan ka wada hadli doonaa danta Somaliland uun wax kale oo aanu u soconaa ma jirto.”

Madaxweynaha Somaliland Madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Cbdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Ha’yadaha dawliga ah ee xukuumadda, waxaanu Madaxweynuhu waxaa uu madaarka salaam sharaf kaga sii qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland