BERBERA: Shalay iyo Maanta

Warbixin: Weriye Maxamed Xarrago

Waa barnaamij taxanne ah oo shebekadda Berberanews akhristayaasheeda ugu soo gudbin doonto isbedelka magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ku yimi intii xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Silaanyo tallada la wareegtay ee dhinacyada dub-u-dhiska, dayactirka, addeegyada bulshada, dhaqaalaha, goobaha hay’adaha dawladda ee kala duwan siday ugu kala horeeyaan horumarka.

Annagoo ka duulayna mihnada saxaafadeed waxaannu barnaamijkan ku soo qaadan doonaa oo kale waxyaabaha aan illaa hadda waxba laga qaban ee cabashadoodu taagantahay, sidaa daraadeed waa inaan loo arag barnaamij cid gaara ku ammaanaya waxqabadkooda, laakiin uu yahay mid dheeli-tiran oo wax-qabadka iyo dayacaba, fartana ku fiiqi doono cidda ammaanteeda iyo eedeedaba leh.

Magaalada Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee guud ahaan dhaqaalaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka soo xaroodo, ayaa nasiib-darro dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyay waxa ku habsaday burbur baaxadle oo horseeday inay noqoto mid ka hadhay horumarka ay ku tallaabsadeen magaalooyinka kale ee Somaliland, taasoo aan tobankii sanno ee u dambeeyey guri cusub gudaheeda laga binnayn, mid ka duma mooyee, iyadoo darxumada iyo dayacaasina uu sababay inay dadkii ehelka u ahaa uga hayaamaan dhinaca caasimadda Hargeysa iyo magaalada Burco, kuna hadhaan oo keliya shaqaale degaanno kala duwan ka kala yimi iyo safarro ganacsi habeen-dhaxeedu ku adkaa.

Hase ahaatee, sannadkii u dambeeyey waxa si weyn looga dareemay isbeddel ballaadhan oo Berbera kaga soo kabanaysa xaalado murugo badan oo ay mdudo badan ku sugnayd, kuwaasoo isugu jiray burbur iyo basaas ku habsatay, waxaanay waqtigan u muuqataa mid la soo noqotay muuqaalkeedii magaalonimo iyo bilicdii xilliyada qaar lagu tilmaansan jira.

Tan iyo intii ka dambaysay isbeddelkii siyaasadeed ee uu talada dalka kula wareegay xisbiga KULMIYE 1-dii bishii July ee sannadkii 2010, waxa magaalada Berbera laga hirgeliyay mashaariic door ah oo dib u soo celiyey cammirnaantii dadka iyo ganacsiga, waxana si xawli ah wax looga qabtay horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismeyaala tiro badan oo lagu kordhiyey xarumaha hay’adaha kala duwan ee ku yaal magaaladaas sida dekedda, madaarka, dhismayaasha jidad cusub, iwm, waxana hadda lagu tilmaamaa Berbera magaalada ugu bilicda iyo jidadka wanaagsan guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo sannadkii u dambeeyey sii kordhayey dib-u-dhiska dhismeyaashii hore ee magaaladaas oo tobankii sannadood ee la soo dhaafay caaradu dabooshay oo aan cid gelin, sidoo kalena waxa gudaha iyo daafaha Berbera laga binneeyey dhismeyaal cusub oo isugu jira dabaqyo iyo daaro fiilooyin ah oo aan noocooda oo kale laga hirgelin magaalo-xeebeedda Berbera ku dhowaad labaatankii sanno ee Somaliland jirtay.

Addeegyada Bulshada Berbera

Berbera waa meesha keliya ee nasiib u yeelatay biyo 24 saacadood si joogto ah  u socda oo qiimahoodu yahay kuwa ugu jaban Somaliland oo dhan, nasiib darro se dadweynaha reer Berbera waxay weli la il-daranyihiin qiimaha laydhka oo la mid ah gobollada Somaliland, kuwaasoo qoysas badan ku kelifay inay wakhtiyada xaggaaga uga hayaamaan magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Sheekh, kuna dhici waayay inay addeegsadaan qalabka xaggaaga lagu yareeyo, qiimaha laydhka dartii.

“Berbera waxa baabi’iyay ee looga qaxay waa laydh, taa waxa ka sii daran waxay masuulliyiinta wershadda laydhku heshiis la galleen dukaan saacado u gaara keena oo ay cidkasta ku khasbaan inay soo iibsadaan, waana saacad gaara oo xawligoodu ka sarreeyo saacadaha kale ee caadiga ah, haddii aad laydhka in badan isticmaali weydo waa lagaa jarayaa amma saacadda bedel baa la odhanayaa, si aannnu ugu noollahay garan mayno. ” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha reer Berbera oo cabasho ka muujiyay duruufaha laydhka.

Waxaannu intaa ku daray oo yidhi, Waxaan u soo taagnaa gabadh Hargeysa ka soo guurtay, oo damacday inay laydh ka soo xidhato wershada, waxay u geysay saacad ay sidatay oo gurigeedii Hargeysa ugu xidhnayd, markii ay  u tagtay ee ay tidhi ii xidha, waa laga diiday, oo waxay u qoreen mid iyaguun u gaara.”

Xisbiga tallada haya ee KULMIYE, oo wakhtigii ololaha doorashada ku celcelin jiray inay wax ka qabanayaan cabashada laydhka Berbera oo dadku qiime jaban ku heli doono, ayaa mudada sanadka iyo badhka ku dhaw ee xukuumaddu talada haysay aan wax laga qabtay jirin, islamarkaana ka mid ah ballanqaadyada ugu waaweyn ee xisbiga KULMIYE aanu weli fulin.

La soco qaybaha danbe