Hargeysa-(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta cod gacan taag ah ku meel-mariyay Xeerka nabad-galyada iyo anshaxa, kaas o ay doodiisu maalmihii u dambeyay ka socotay Golaha Wakiilada.
Fadhiga Maanta oo uu Shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiildda Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana ay ka soo xaadireen Mudanayaal tiradoodu gaadhaysay 42 Mudane oo ka kooban 82-ka Mudane ee uu ka kooban yahay Aqalka Wakiiladdu. Xeerkan ayaa Muddadii ay doodiisu ka socotay waxa Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu ku kala aragti duwanaayeen, waxaana anixinta Xeerkan ogolaaday 23 mudane, 15 Mudane ayaa diiday halka uu ka aamusay 1 mudane Guddoomiyuhu-na muu coday, sidaas ayaanu Xeerkani .
Mudanayaasha golaha wakiiladda ayaa mudadii ay socotay dooda xeerka Nabadgalyaddu ahaa kuwo iyagu ku kala fog, iyada oo uu mudane waliba soo bandhigayay waxyaabaha uu ku difaacayo ama uu ku diidan yahay.