Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo shalay dalka ka dhoofay, ayaa sida Afhayeenkiisu sheegay wuxu sii magacaabay laba Guddi oo kala duwan oo mid shaqadeedu noqon doonto inay Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Ciyaaraha ka caawiyaan tartanka Kubadda Cagta ee gobollada dalka, halka guddiga labaadna uu u magacaabay ka shaqaynta bilicda Caasimadda Hargeysa.
Sidaa waxa lagu sheegay laba War-Saxaafadeed oo uu xalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, hase ahaatee, Afhayeenku qoraalkiisa kumuu caddeynin inuu Madaxweynuhu intii aanu dhoofin magacaabay labada Guddi iyo inuu jidka kusii magacaabay, maaddaama oo uu Jimcihii shalay dalka dibaddiisa u dhoofay.
Qoraalka labadaas War iyo Xubnaha Guddiyadaas look ala magacaabay waxay u dhignaayeen sidan:-“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynuhu isaga oo tixgelinaaya Muhiimada ay tartanada ciyaaruhu u leeyihiin Bulshada Dhalinyarada, wakhtigana ay joogto xiligii la qaban lahaa tartankii Ciyaaraha Gobolada.
Waxa uu magacaabay Guddi Wasiirro ah oo Wasaaradda Ciyaaraha iyo xidhiidhada Ciyaaraha ka caawisa isla markaana ku hogaamisa sidii ay tartannadu u noqon lahaayeen lagana midho dhaliyo, waxa uu magacaabay Guddidan.
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada
Ku: Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare
Ku: Xildhinaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeyo
Ku: Xildhibaan Abokor Cabdiraxmaan Good
Ku: Madaxa Xafiiska Siyaasadda iyo Xidhiidhka Golayaasha
Ku: Maareeyaha Hay’adda Dhawrista Tayada ( Quality Control )
Ku: Suldaan Axmed Daahir
Sida aad ka warqabtaan, Ciyaaruhu waxay qayb weyn ka qaata dhismaha bulshada iyo horumarinka dhalinyarada waxaanay ahmiyad u leeyihiin Caafimaadka iyo isku xidhnaanta gobolada Dalka.
Sidaa Darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxan idiin magacaabay ka hawlgalka ciyaaraha gobolada ee sannadka 2011.
Guddigan waxa Gudoomiye u ahaan doona Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Mudane, Cabdi Siciid Faahiye.”
Warsaxaafadeedka labaad
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markuu tixgeliyey baahida loo qabo kor uqaadida faya dhawrka, nadaafada iyo Bilicda Caasimada,
Waxa uu magacaabay
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Barashada
Ku: WasiirkaWasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Ku: Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka
Ku: Duqa Caasimadda
Ku: Badha-saabka Gobolka Maroodi-jeex
Ku: Agaasimaha Fulinta Nagaad
Ku: Agaasiamaha Sonyo
Sida aad ka warqabtaan Bilicda iyo Muuqaalka Caasimaddu waxay qayb muhiima ka qaata milgaha dawladnimo iyo aayaha horumarka qaranka, sida diinteena suuban dhigayso, Nadaafadu waxay ka mid tahay iimaanka.
Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxaan idiin magacaabay Gudida Bilicda Caasimada waxaana Gudoomiye idiin noqon doona Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.