Wakiillada Ganacsatada Somaliland ee Dalka Yemen Oo Xukuumadda iyo Maamulka Dekedda Berbera ka dalbaday inay wax ka qabtaan Bagaash kaga xanniban Yemen

Yemen-(Berberanews)- Wakiillada ganacsatada Somaliland u jooga dalka Yemen, ayaa xukuumadda iyo Maamulka Dekedda Berbera ka dalbaday inay wax kala qabtaan agab muddo 20 casho ku dhawaad kaga xanniban dalka Yeme, ka dib markii maraakiibta u kala goosha Berbera iyo Yemen ay diideen inay soo qaadaan.

Suleymaan Maxamed Ismaaciil oo muddo dheer wakiil uga ahaa ganacsatada Somaliland ee wax ka soo iibsada Yemen, ayaa sheegay in dhibaato weyni soo food-saartay, ka dib markii maraakiibta u kala goosha Berbera iyo Sanca ay diideen inay soo qaadaan bagaash kala duwan oo u badan bagaashka Ciidal-udxadda.

“Waxaan hadda joogaa Burco, anigoo muddo bil iyo badh ah ka soo maqan dalka Yemen oo aan lix sanno wakiil ganacsi ka ahay, waxay dhibaato weyni naga haysataa maraakiibtii u kala gooshayay Somaliland iyo Yemen oo diiday inay soo qaadaan bagaash muddo laba todobaad ah nagaga xaniban Yemen, iyagoo ka door-biday xoolaha Carafada ee ay Berbera ka qaadayaan,  waxay ku andacoodeen moosinkii xoolaha weeye, markaa in wakhti naga lumo ma doonayno, taasina dalka iyo dadka toona midna faa’iido uma laha. Wixiinna inay isu dheelitirnaadaan weeyaan, baabuur oo  alaantii la taagan dekedda ayay maraakintii ka soo dhaqaaqayaan.” Sidaa waxa yidhi Suleymaan Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah wakiillada Ganacsatada Yemen oo isagoo ku sugan magaalada Burco khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shebekadda Berberanews.

Suleymaan waxa uu xukuumadda iyo Maareeyaha Dekedda ka codsaday inay arrinta soo farogeliyaan oo wax ka qabtaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaaanu ka codsanaynaa xukkuumadda Silaanyo iyo Maareeyaha Dekedda Berbera inay wakiilada maraakiibta ku amraan inaan laga iman, iyadoo xiligan  Yemen aanay deganaansho ka jirin, xoolaha xaggana inay ka qaadaan, xaggaana inay ka diidaan waa xaaraan waana in la faraa inay soo qaadaan. Waayo meesha alaabo badan baa naga taalla, arrintaasi intii xukuummadii hore jirtay laba goor bay nagu dhacday, markii ugu danbaysay waxaan la soo xidhiidhay Cali Xoor Xoor, anagoo Yemen joogna, waanu u sheegnay cabashadayadii, , si fiican buu yeelay waxaannu ammar ku siiyay inay soo qaadaan, alaabtiina waannu soo qaadnay.”

Sidoo kale, waxaannu khadka xidhiidh khadka telefoonka ah la sammaynay Xuseen Cabdiraxmaan Cali oo isna ka mid ah wakiilada ganactada u jooga dalka Yemen, isagoo noo xaqiijiyay jiritaanka dhibaatadan iyo saamaynta ay ku yeelatay, waxaannu yidhi, “Magacaygu waa Xuseen Cabdiraxmaan, waxaan ahay wakiilka Gobolka Ticis, muddo 25 casho ayaannu la’nahay maraakiibtii oo intay xoolihii keenaan bay ka yaacayaan agabkii ganacsiga oo ay ku cararayaan xoolo ay Berbera ka qaadaan, arrintaasina saammayn ballaadhan bay nagu keentay.”

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com