Berbera-(Berberanews)- Ciidanka Nadab Galyada Wadooyinka Degmada Berbera ayaa Saaka Shaqooyinkii ka joojiyey, islamarkaana xidhay wadayaasha Gaadiidka yar yare ee loo yaqaan Bajaaj ama Tigta, ee isaga goosha qaybo ka mida Xaafadaha ama Goobaha ganacsi ee magaalada, isla markaana ay raacaan dadwayne kala duwan oo iyagu ku dhaqan Magaalada Berbera.
Talaabadan ay qaadeen Ciidanka Nadab Galyada Wadooyinka ee Gobolku ayaa ka danbaysay ka dib markii masuulliyad daro badan ay ku keceen wadayaasha gaadiidkn yar yar oo aan haysan liisan gaadiid, balse siyaabo kala duwan u bartay, dhibaato badana ku haya dadka raaca oo shilal joogto ah kala kulma.
Mid ka mida Masuulyinta Ciidanka Nadab Galyada Wadooyinka ee Berbera, oo aanu wax ka waydiinay arrintan lagu soo xidh xidhay Gaadiidka yar yare ee Bajaajta, oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yidhi “ waa hawshayadii caadiga ahayd, ee aanu awalba qaban jirnay, qoladan Bajaajtana waxaa loo soo xereeyay, waxaa laga waayey Liisankii wado marista, waxaa kaloo jira qolo aan wadanka u dhalan, taana waanu baadhaynaa, markaa waa baadhis arrimhaas ku saabsan.
Talaabadan oo qadar hakad galisay isu socodka Dadwaynaha, ayaa hadana waxaa dhinaca kale noqonaysaa in la hubiyo aqoonta Dareewalada wada Gaadiidkan, waxaana jirta in qaar ka mida Raga iyagu wada Bajaajtu ay ku socdaan xawaare aad u sareeya, isla markaana ay Gaadiidka kale ka dhaafaan haadka khaladka ah, iyaga oo doonaya in ay ka horeeyaan, mid noociisa ah,iyada oo laga yaabo inuu sido ilaa 6qof oo qaarkood Waayeel yihiin, taas oo ay Dadwayne farabadani cabasho ka muujiyaan, gaar ahaan Haweenka oo iyagu inta badan raaca Bajaajtan.
Waxaa dhar jeer ka dhacay wadooyinka Magaalada Berbera, oo iyagu u badan kuwo laami ah, shilal ay isku dhaceen Gaadiidka Bajaajta iyo Baabuur kale, taas oo inta badan ay qaladka yeeshaan, Masuulka ama Dareewalka, wada Bajaajtu.
Waa markii u horaysay ee ay Ciidanka Nadab Galyada Wadooyinka qaadan talaabo noocan noocan oo kale ah taas, oo lagu hubinayo Liisamada Dareewalada Gaadiidka Bajaajta, taas oo hadii ay hirgasho wax wayn ka tari doonta cabashadii iyo baqdintii ay bulshada iyagu adeegsada raacida Gaadiidkan, ka qabeen Dareewalada iyagu wada Gaadiidkaas.
Khadar Jamac Xaashi
Berberanews,Berbera.